Digtoor Xisaabta Ku Xeeldheer, Oo Iibiye Hoo-Hooya Ah Suuqa Ka Noqday Ayaa Ku Dambeeyey In Uu Naftiisa Gubo

399

Waa ay i caayeen, oo ay jidh dileen, oo ay u muquuiniyeen” Ereyadaas ayaa ugu dambeeyey hadal laga maqlo cilmibaadhe iyo bare-sare oo jaamacadeed oo u dhashay dalka Tuuniisiya, mar uu talefankii noloshiisa u dambeeyey kula hadlay saaxiibkii Cimaad Bin Muftaax, ka hor intii aanu u dhiman dab uu naftiisa qabadsiiyey habeenkii ciidda soonfur dhalanaysay.

Cimaad Al-Qaanimi oo 43 sano jir ahaa waxa uu isku hor gubay saldhig ciidanka ammaanku leeyihiin oo ku yaalla magaalada Xashnah ee koonfurta dalka Tuuniisiya, oo ay deggenaayeen isaga iyo xaaskiisa oo ay saddex carruur ah isu lahaayeen. Ereyada Qaanim oo xisaabta shahaadada labaad ee Jaamacadda (Masters) ku qaatay dalka Faransiisku waxa ay u dambeeyeen geeddi waxbarasho oo shaqo uu ku waayey waxbarashadiisa awgeed, dantu ku kallfitay in uu ka shaqeeyo xeryaha xoolaha lagu dhaqo, mudalab mudalab maqaaxiyaha shaaha dhig-dhiga, iyo iibiye nooca hoo-hooyada loo yaqaanno oo suuqa wareega.

Amaal Qaanimi, oo ah xaaska uu ka tegey Al-Qaanimi ayaa iyada oo ka warramaysa qisada xanuunka badan ee ay ku soo afmeerantay noloshii silica ee odaygeedu u dulqaadan kari waayey, waxa ay tidhi, “Waxa dhacay waa qayb yar oo ka mid ah xaaladaha silica badan ee ay ku nool yihiin boqollaal ka mid ah dhalinyarada waxbarashada shahaadooyinka sare ku sita ee dalka Tuuniisiya, kuwaas oo xitaa haddii ay shaqo helaan ay tahay shaqo mushaharkeedu aanu noloshoo dabbari Karin”

Amaal Qaanimi oo sii wadda qisada xanuunka badan ee saygeedu waxa ay tidhi, “Cimaad sida dhalinyarada kale ee qayrkii ahayd, duruufaha adag ee waalidkii ku noolaa ayaa qasab kaga dhigay in uu yaraan ku shaqo tago, isaga oo 14 sano jir ah ayaa uuu sinxi roodhi ah oo hooyadii samaysay suuqa ku iibin jiray, dantu waxa ay soo marisay in uu xero xoolaad nadiifinteeda ka shaqeeyo si uu isaga bixiyo waxbarashada” Amaal oo u warrantay wargeyska Huffengtun Post oo uu Geeska Afrika soo xiganayo ayaa iyada oo murugaysan sii wadday qisada  saygeeda xijaabtay, “Cimaad waxbarashada kaalmaha u sarreeya ayaa uu ka geli jiray, taas oo ku abuurtay ruux cusub oo hammi horumar ka buuxo. Duruufaha dhaqaale yaraanta iyo nolosha dhibta badan ee uu ku jirayna waa ay ka joojin kari waayeen in uu ka dhabeeyo riyadiisa ahayd in uu ku takhasuso cilmigaxisaabta illaa uu ku qaatay shahaadada Koowaad ee jaamacadda. Haddana waxa uu u safray dalka Faransiiska, oo uu jaamacadda De Versailles dhibco aad u sarreeya kaga qaatay shahaadada labaad ee Masters ka, intii uu waxbarashada ka waday dalka Faransiiska waxa uu dhinac waday shaqo mudalabnimo hudheel ah si uu kharashka isaga bixin karo.

Cimaad waxa uu laba sano kadib ku soo noqday dalkiisa isaga oo naftiisu ku hanweyn tahay in ay shaqo fiican heli doonto oo uu heli doono nolol ka fiican tii caadada u soo ahayd muddada dheer, waxa uu filayey in waxbarashada sare ee uu soo bartay wax weyn ka beddeli doonto xaalkiisii hore. Sidii uu filayey ayaa ay noqotay oo shaqooyin sare ayaa uu u qalmay, macallin jaamacadeed ayaa uu ka noqday kuliyadda Sayniska ee gobolka Mahdiya, kadib kulliyado iyo maxadyo sare oo Tuuniisiya ku yaalla ayaa uu muddo 7 sano ah isaga gudbay, macalinnimo lagu jeclaa. Dhinaca kalana ma’ uu joojin raadintii cilmiga oo waxa uu bilaabay in uu sii kordhiyo si uu u helo shahaadada Sare ee Doctorate ka ah, isaga oo isla markaasna dhinac waday shaqo macallinnimo, oo waqti kooban ah, nasiib darro mushaharka uu qaadanayey kuma uu filnayn oo waxa uu ahaa bishii 250 Doolarka Maraykanka ah, mararka qaarkoodna inta uu dib dhaco 8 bilood is gaadhayeen, sababo la xidhiidha maamul xumada wasaaradda waxbarashada awgeed. Arrintani waxa ay sii xumaysay xaalka nololeed ee qoyskiisa oo marka horeba waxa uu qaadanayey aanu ku filnayn, deyn badan ayaa aanu qaadannay si aanu nolosha ubadka ugu daboolno, annaga oo ku rajo weyn in maalinta fiicani soo socoto oo aanu iska bixin doonno. Laakiin deyntii oo is-gaadhay iyo xaalkii oo ka soo reyn waayey ayaa culays kale noqday.

In kasta oo ay waayuhu aad noogu adkaayeen, haddana weli rajo ku nool ayaa aanu ahayn oo ugu yaraan qof shaqeeya oo mushahar sugaya ayaa uu isu arkayey Cimaad, laakiin masiibada ugu weyni waxa ay dhacday markii uu wasiirka waxbarashada sare ee Tuuniisiya soo saaray go’aan noloshayadii cadaab u beddelay. Digniin la’aan ayaa curashadii sannadkan 2016ka wasiirku waxa uu go’aamiyey in shaqada laga joojiyey dhammaan macallimiintii jaamacadaha ee waqtiga buuxa aanay shaqadoodu ahayn, kuwaas oo tiradoodu ahady 2600 oo Cimaad ku jiro”

Comments

comments

SHARE