Somaliland: Jidka Ceerigaabo: “80km Waa La Dhammeeyay, 200km Oo Kalena Carro-kaawo Ayaa La Dhigay”

  • Injineerka Jidka Oo Sheegay In Qalabka ay Haystaan Uu Daboolayo Baahida Dhismaha Jidka.
  • Maareeye Ku-xigeenka Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo Dadweynaha ku Dhaliilay Kaalintii ay ka Qaadan Lahaayeen Dhismahan.
  • Madax-dhaqameed Sheegay Inay Abaal Weyn ugu Hayaan Madaxweyne Siilaanyo Dhismaha Jidka Ugu Dheer Somaliland ee ka wado Burco-Ceerigaabo.
  • Maareeye Ku-xigeenka  wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland, Eng. Maxamuud Daahir, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ku rejo weyn tahay inay ku guulaysato dhammaystirka jidka isku xidhaya Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkiisu yahay 37km, waxase uu dhaliilay kaalintii  bulshaddu ay ka qaadan lahayd qaadhaanka lagu dhisayo jidkan hal-bowlaha ah.Maareeye Ku-xigeenku waxa uu shacbiga ugu bushaareeyay in 80Km oo laami ah la dhammaystiray isla markaana 200km la saaray carrokaawo, iyadoo hawlaha dhismaha jidka aad loo laban-laabay. Eng. Maxamuud Daahir waxa uu sidaasi ka sheegay shalay xaflad loo sameeyay  Gaadiidkii  cusubaa  oo xukuumaddu u soo iibisay dhismaha Jidadka dalka oo  la geeyay gobolka Sanaag, waxaana xafladaas oo  lagu qabtay deegaanka kal-mac, oo 50KM   dhinaca galbeed kaga beegan  magaalada Ceergaabo  oo ay si xawli ah  uga socoto   shaqada  Daamur-saarka ee wadada Ceerigaabo qeybo ka mid ahi.Waxa kale oo xafladaas ka soo xaadiray Injineerada dhismaha wadada gacanta ku haya, Masuuliyiinta degmooyinka Yufle iyo Kal-mac, Madax-dhaqameed, waxgarad iyo dadweyne kaleba.

    Eng. Cabdisalaan Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah injineeradda dhismahan jidkan gacanta ku haya, ayaa sheegay in qalabka ay haystaan ku filan yahay wadadan, waxaanu yidhi  “Maanta qalabku waa laban-laab, maalintii ay wadadu bilaamatayna wuu innagu yaraa, Wasiirka Hawlaha Guud,  waxa uu qaaday tallaabo aad u weyn. waxaanu ka midho dhaliyay dardar gelinta dhismaha jidka oo sidii loogu tallo-galay u socda.”

    “Waxaanu in badan ka hadalnay in ay jirto baahi karakshar, Gaadiidkan  hadda la keenayna waxa uu daboolayaa oo ku filaanayaan illaa Ceel afweyn,”ayuu yidhi Injineerka guud ee jidka isku xidhaya Burco-Ceerigaabo Eng. Cabdisalaan Sh. Cali Jowhar.

    Suldaan Ismaaciil Nuur Wacays oo ka hadlay goobtaas ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu ILAAHAY ku ilhaamiyay dhismaha jidkan oo uu ku dooday inay ka cago-jiideen dawladihii tallada dalka iska dambeeyay oo dhammi. Suldaan Ismaaciil Nuur, waxa uu sheegay in shacbiga reer Sanaag ay jecel yihiin Madaxweyne Axmed Siilaanyo loogu abaal celiyo in laba sannadood oo kale uu xafiiska sii hayo, waxaanu yidhi  “Madaxweyne, annagu waxa aanu kuugu abaal gudaynaa laba sanno oo muddo kordhina waayo waxa aad ku dhiiratay wixii ay ku dhici waayeen dawladihii hore ee ahaa dhismaha wadada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha ee aad dhammaynayso.”

    “Waxa aanu ugu baaqaynaa bulshada Somaliland dibad iyo gudaba labadaa sanno in ay naga aqbalaan, waana madaxweyahaa ku dhiiraday wadadaa gabagabada maraysa, Wasiirka hawlaha guudna  waxa aanu leenahay guulayso,” Ayuu soo jeedintiisii ku soo xidhay Suldaanku.

    Sidoo kalena waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha degmadda Yufle, Axmed Xuseen Muuse (Mijir) oo sheegay in Wasiirka Hawlaha guud uu muujiyay sida uu ugu heelan yahay inuu ku suntamo Wasiirkii dhammeeyay jidkan oo uu sheegay  inuu gobolka Sanaag ku xidhayo dalka intiisa kale, isla markaana uu kaalin weyn ka qaadanayo soo noolaynta dhaqaalaha gobolka ugu weyn Somaliland ee Sanaag.

Comments

comments

SHARE