Dhageyso: Danjiraha Turkiga u fadhiya Maamulka Muqdisho oo beeniyay iney aqoonsadeen Baasaboorka Somaliland

Danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho Amb. Olgan Bekar

Safiirka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ee Maamulka itaalka daran ee Soomaaliya, ayaa beeniyay in Turkiga uu aqoonsaday Baasaboorka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Sidaad ka warqabtaan anagu Ma aqbalin Baasaboorka somaliland, ujeedadayaduna waa inay midowdo somalia oo ay israacdo, marwalbana waxaanu ka shaqaynaa midnimada somalia, dadka somaliland ku noolna waxay noola midyihiin dadka ku nool somalia inteeda kale, marka anagu turki ahaan waxaanu aaminsanahay  somalia iyo SOmaliland inay Hal wadan noqon doonaan  oo midoobaan, waxaan idiin sheegayaa in baasaaboorka somaliland dawladda turkigu u aqoonsantahay inuu yahay ID card muwaadiniinta ka soo jeeda deeganadaas lagu aqoonsado.”

Comments

comments

SHARE