Cesc Fabregas ayaa casaan toos ah qaatay iyadoo Chelsea ay 1-0 ku garaacday kooxda Liverpool kulan saaxiibtinimo oo xiiso lahaa oo ka dhacay California oo ka tirsan koobka International Champions Cup.

Gary Cahill ayaa madax ku dhaliyay goolka guusha kaliya 10 daqiiqo markii ay socotay ciyaartii ka dhacday Pasadena Rose Bowl iyadoo Chelsea ay koobka saaxiibtinimo ku bilaabatay guul iyadoo kulankaan uu ahaa mid xoog iyo awood ay ka muuqatay labada kooxood ee Premier League.

Fabregas ayaa casaan toos ah qaatay daqiiqadii 72aad isagoo qalad halis ah ku galay daafaca dhexe ee Liverpool Ragnar Klavan laakiin inkastoo ay Liverpool faa’ido hal nin ah ka heysatay Chelsea hadana waa ay awoodi waayeen inay dhaafaan daafac uu hogaaminayay John Terry.

Cahill ayaa isna calaamad hurdi ah qaatay si la mid ah xiddigaha Liverpool Alberto Moreno, Ovie Ejaria, Marko Grujic, Dejan Lovren iyo Kevin Stewart.

Kavlan ayaa isaga xitaa jaale qaatay iyadoo tababare Liverpool Jurgen Klopp uu ciyaarsiiyay saxiiyada cusub ee Sadio Mane iyo Loris Karius ciyaar ay garoonkii lagu qabtay finalkii Koobka Adduunka ee 1994 ku daawadeen 53 kun taageerayaal ah.

Comments

comments

SHARE