Somaliland: Saddexda Xisbi oo Heshiis Ka Gaadhay Sami Qaybsiga Golaha Wakiilada

564

Kulan maalmo badan socday kadib waxa saddexda xisbi oo ay dhexdhexaadinayso akadimga horumarinta iyo nabadda Somaliland isla garteen saddexdan qodob oo nuxurkoodu yahay inuu madaxweynuhu go’aan ka gaadho muranka ka taagan saami-qaysbiga kuraasta golaha wakiillada.

1. arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada dib loogu celiyo madaxweynaha Somaliland, isla markaana madaxweynuhu go’aan kama dambays ah ka gaadho arrinta saami-qaybsiga kuraasta Golaha wakiillada iyo doorashada golaha wakiillada ee qorshaysan inay qabsoonto bisha march 2017-ka.
2. waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hogaansamaan go’aanka uu madaxweynuhu gaadho ee khuseeya arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada Somaliland.
3. in Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta iyo dallada ururrada Bulshada(SONSAF) ay ku ilaaliyaan saddexda xisbi-qaran fulinta qoddobada lagu heshiiyey.

Comments

comments