Somaliland: Ciidamada Ammaanka Magaalada Berbera Oo Xabsiga U Taxaabay Gawaadhi Ay Ku Xardhan Yihiin Astaamaha Shirka Lagu Qabanayo Baxarasaafka.

475

Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil ayaa Aroortii Hore ee saaka Xabsiga U Taxaabay Qiyaas ahaan ilaa toban gaadhi oo ay ku dhajis nayeen istiikaro ay ku qornayeen shirka dan iyo duco.

Baabuurtan iyo darawaladii waday ayaa ciidanku xabsigi dhigeen kuwaas oo hadda ku xidhan xabsiga berbera laguna edeeyay in ay istiikarkan ku xidheen gadiidkooda,waxaana berbera laga dareemayaa dhaq-dhaqaayo ay Ciidanku ka samaynayaa Gudaha Magaalada Berbera.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada berberam ayaan cadayn sababta ay ilaa hadda u xidhan yihiin,Balse ilo u dhuun daloola ayaa tibaaxaya in Xukuumadda oo shirkan lagu qabanayo baxarasaafka ee beesha degmada berbera kaga arin sanayso danaheeda xukuumadu ka soo horjeedo.

Comments

comments