Somaliland: Boqor Buurmadaw Oo Hambalyeeyey Xukunkii Maxkamadda Millatariga, Baaqna U Diray Odayaasha Reer Saaxil

oqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) ayaa ka hadlau xukunkii maxkamadda ciidamada ee Somaliland ay ku riday dadkii lagu helay inay ka dambeeyen ama gaysteen dilkii alla ha u naxariistee marxuum Taliye Casayr oo sanadkan bilawgiisii si badheedh ah loogu dilay gobolka Saaxil oo uu taliye ka ahaa.
Boqor Buurmadaw ayaa sheegay inay beeshiisu soo dhawaynayso xukunkii maxkamadda ee ay dilka iyo xabsiga ku xukuntay dhamaan cidii dambi lagu helay, waxaana uu boqorku sheegay inay maxkamadda mudo ka dhur sugayeen, isla markaana ay hambalyaynayaan natiijada.

Boqorka ayaa sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka reer Saaxil u soo jeediyey cabashada ay qabaan inay u maraan sifo dhaqankeena suuban ka turjumaysa balse aanay ahayn inay mudaaharaad iyo rabshado bilaabaan, waxaana uu yidhi Boqor Buurmadaw oo arrimahaas ka hadlayaa:

“Waxaanu baaq guud u soo jeedinaynaa Somaliland inay nabadgalyadeeda ilaashato cid walba waa u dan, waxaan maqlayay rag dhagxaan tuur tuuraya dhaqan baynu lahaan jirnay ninka wax dhima ee dambiilaha ahi cafis ayuu dadka waydiistaa, dhagxaan iyo rabshad iyo waxaas lama sameeyo dhaqankeena maaha, xukunka Maxkamadda ee Hargeysa ka dhacay waanu hambalyaynaynaa waxaanay ahady walaalayaal (Ciise muusoow) inaad martaan wadad ay lahayd ee dhaqanka ahayd ee dambiga ka calaalcalkiisa ahayd ee cafiska ahayd laakiin waxaanu arkaynaa inay wadadii ka gedisan tahay taasna reer Somaliland way arkayaan ayay ila tahay anagu arrinkaas maxkamadana waanu sugaynay, maxkamdana waanu hambalyaynaynaa tolkuna wixii ay noola yimaadaan (ee cabasho ah) diyaar baanu u nahay”.

Comments

comments

SHARE