Somalia: Nin Hore Xildhibaan Uga Noqday Maamulka Muqdisho Oo Ahaa Shakhsigii Fuliyay Qaraxii Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa caawa sheegtay in Saalax Badbaado oo horay u ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii dawladihii KMG ahaa ee dalkaasi Soomaaliya, uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Idaacada A-Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay codka mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii is qarxinta ahaa ee ka dhacay saaka nawaaxiga garoonka diyaaradaha

Cod laga duubay ka hor inta uusan fulin weerarka ayaa Saalax Badbaadow ayaa uu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo, isagoo dardaaran u diray shacabka Soomaalida ah iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu fariin u diray shacabka ka soo jeeda deegaanada Gobolada Waqooyi ee Somaliland, halkaasoo uu deegaan ahaan ka soo jeedo.

Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) ayaa ka mid ahaa Baarlamaankii KMG, ee dalkaasi Soomaaliya,waxaana sanadkii 2010 uu ka goostay Baarlamaanka, kuna biiray Al-Shabaab.

Comments

comments

SHARE