Somalia: Qarax Sababay Dhimashada 15 Qof Oo ka Dhacay Magalaada Muqdisho

395

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay shan kalena way ku dhaawacantay laba qarax oo lala eegtay xarunta ciidamada AMISOM ee mgaalada Muqdisho.

Goobta qaraxyada ay ka dheceen waxay ku dhowdahay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho

Saldhigga Ciidamada AMISOM ee ugu weyn Soomaaliya iyo safaaradaha dalalka reer galbeedka ayaa halkaasi sidoo kale ku yaalla.

Qaraxyada mid kamid ah waxaa lagu dhuftay derbiga dhismaha AMISOM, midna wuxuu ka dhacay bar koontorool.

Qiiq ayaa la arkayay oo ka soo baxaya goobta qaraxa uu ka dhacay.

Sidoo kale rasaas xoog leh ayaa laga maqlay isla goobta, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda.

Alshabaab ayaa sheegtay qaraxyada saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

160726085245_mogadishu-explosion_624x351__nocredit 160726084846_mogadishu_blasts_624x351_bb

Comments

comments

SHARE