Somaliland: Cabdikarriim Axmed Moogge Oo Sheegay In Dalalka Carabtu Ay Basaaboorka Somaliland U Ogolaaddan Kaliya Siyaasiyiinta Ay Danta Gaarka Ah Ka Leeyihiin.

Carab waxa madax martay midnimada ummada Somaliyeed markaa dan Somaliland leedahay inooma soo wadaan!

Dadkaygan 25ka sano go’doon kaga jira aduunka intiisa kale ee qof walba ay ku adkaatay in uu ku safro passportkiisa Somaliland si uu cafimaad, waxbarasho, dalxiis ama ganacsi ugu tago dal kale bal may u ogoladaan in ay dalkooda ku galaan basaboorka Somaliland.

Madaxda Somalilandna waxay ka dhigan yihiin HABARTII DOCDEEDIYO-DEGALKAY KU NOOLAYD-DARUURUHU KU HOREEN-DADKU WADA HEL MOODDO DAAD-WARARAC BAY TIDHI….. Hadii iyaga loo ogolaado in ay ku gallaan Dubai basaboorka Somaliland taasi kama dhigna in la aqbalay basaboorkii Somaliland waayo iyaga dan baa laga leeyayoo xitaa warqad cad bay ku gali karaan dalkii u yeedha + intooda badanina basabooro kale ayaabay iska wada sitaan.

Haday dan inoo wadaan car hana tusaan muwaadin iska caadi ah oo isaga oon soo marin cid furahooda haya ama dilaal ay fiise siyeen!!?? Waxaan qolodaa Dubai World u sheegayaa hadii aydaan qof Somaliland u dhashay ku aminayn in uu dalkiina ka soo muraadsado dee sideen idiinku amiini karnaa wax nagu weyn waa dekeda Berbera’e?????

Comments

comments

SHARE