Dagaal Mar Kale Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Dhaco Deegaanada Gobolka Sool Oo U Dhaxeeya Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maamulka Puntland

Dagaal u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo maamulka puntland ayaa laga cabsi qabaa inuu mar kale ka dhaco deegaanada gobolka sool oo dhawaan la filayo inay ka bilaabmato diiwaangalinta codbixiyayaasha gobolka sool.

Maamulka puntland ayaa iyagu ku hawlan kicinta bulshada ku dhaqan maamulkaasi iyaga oo sida naloo sheegayna ciidamo kusoo daad gureeyey deegaanadaasi la filayo inay diiwaangalintu ka bilaabmayo marka ay kasoo dhamaato gobolka sanaag oo ay ka socoto.

Waxaana iyaguna heegan culus galay ciidamada qaranka Somaliland si ay usugaan amniga deegaanada isla markaana dhirbaaxo kulul ugu dhuftaan cidii kusoo xad gudubta xadka Somaliland.

Wararka hoose ee aan helayno ayaa waxay inta ku darayaan in ay dabada ka riixayso xukumadda xamar in markale dagaal dhex maro ciidamada difaaca qaranka Somaliland iyo ciidamada maamulka puntland kuwaasi oo dhawaan dagaal khasaare sababay ku dhex maray deegaanka Boodda-cade oo ka tirsan bariga gobolka sanaag.

Maamulka puntland ayaa iyagu mudooyinkii u danbeeyeyba wada qorshayaal ay ku khalkhalinayso diiwaangalinta codbixiyayaasha ee k bilaabmatay deegaanada bariga Somaliland.Dhawaan ayay ahayd kadib markii ciidamada maamulka Puntland ay dulaan kusoo qaadeen ciidamada qaranka Somaliland halkaasi uu ku dhex maray labadan ciidan dagaal khasaare sababay, ciidamada qaranak Somaliland aya ciidamada maamulkaasi ee duulaanka soo qaaday waxay ka qabteen saddex gaadhi oo ay lahaayeen ciidamadu iyo waliba askar maxaabiis ahaan ay usoo qabteen sidoo kalena waxay ciidamadu gacanta ku hayaan xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland oo dagaalka ku jiray.

Gabagabadiina bulshooyinka ku dhaqan deeganada gobolka sool ayaa iyagu cabsi ka qaba in dagaal ka qarxo deegaanadaasi.

 

Comments

comments

SHARE