Barcelona Oo Ku Qasban Iney Iibiso Ugu Yaraan Ciyaariyahan Si Ay Ula Soo Wareegto Weeraryahan, Waase Kuwee Xidiga La Iibin Doono ?

163

Barçelona ayeey qasab ku tahay iney iibiso ciyaariyahan kamid ah xidigaha kooxdeeda koowaad si ay ula soo wareegaan weeraryahanka ay heshiiska la gaareen ee kooxda Atletico de Madrid ee Luciano Vietto kaasoo ay la soo wareegi doonaan inta uusan xirmin suuqa bisha soo socota ee August 31.

Jariiradaha Sport iyo Marca oo kasoo kala baxa Barcelona iyo Madrid ayaa qoraya in kooxda Catalanka ay iibin doonto midkood xidigaha Arda Turan iyo Cluadio Bravo si ay u helaan dakhli ay kula soo wareegaan weeraryahanka Uruguay.

SPort,oo aad ugu dhaw kooxda Bluagrana ayaa cadeyneysa in kooxdaan ay qorsheyneyso iney iska iibiso goolhayaha kooxdaasi ee Bravo si ay dakhli uga helaan waxaana xiiseynaya kooxda Manchester CIty oo diyaar ula ah iney ku dalbadaan lacag dhan 20 milyan oo euros.

Taas ayaa fariin cad u dareysa goolhayaha ree jarmal ee Marc Ander Ter Stegan oo doonaya ama in la iibiyo ama la siiyo fursad ciyaareed ka badna tan uu haatan ciyaaro wuxuuna heli doonaa fursadaasi hadii la iibiyo goolhayaha kooxdaasi ee haatan ee Bravo.

Sidoo kale Arda Turan ayaa ku jira liiska ciyaartooyda ay dooneyso Barcelona iney iska iibiso waxaana xidigaan oo isna lagu qiimeeyo 20 milyan oo euros waxaana xiiseynaya kooxaha Arsenal, West Ham iyo Besiktas ee dalkiisa Turkey.

Comments

comments

SHARE