Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo Furay Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah Hargeysa

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa furay Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, kaas oo galay sanadkiisii 9 aad.
Dr. Sacad ayaa soo dhaweeyey martida iyo ka soo qaybgalayaasha Bandhigan waxaanu yidhi

“Waanu idinku soo dhaweynaynaa Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa ee aad uga soo safarteen kunmanaan ka kun ee Mayl”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku darya “Waxa sannadkan lagaga hadli doonaa Bandhiga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa mawduuc aad iyo aad u muhiim ah kaas oo ah “Hoggaaminta iyo Hal-abuurka”

13724006_852513824854810_4147263915611232263_o 13735782_852520874854105_2886832812353315255_o 13710446_852520404854152_656480375666679867_o13738188_852520868187439_5971115050643914020_o

Comments

comments