Somaliland: Wajigii Koowaad Ee Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Ee Ka Socotay Gobolka Sanaag Oo Maanta Lasoo Gabagabeeyey

Wararka naga soo gaadhaya magaalada ceerigaabo ee xarunta gobolka sanaag ayaa sheegay in maanta lasoo gabagabeeyey wajigii koowaad ee diiwaangalinta codbixiyayaasha ee ka socotay dhamaan deegaanada gobolka sanaag.

Waxaana wajigan kowaad ee diiwaangalintu uu kusoo idlaatay jawi degan iyo nabadgaliyo iyadana oona gudidu diiwaangalinta iyo gudida kimshanku ku dhawaaqi doonaan xidhitaanka wajiga kowaad ee diiwaangalinta.

Wajigan koowaad ayaa kusoo idlaaday jawi dagan iyo nabad galiyo marka laga reebo dagaal dhawaan deegaanka Booda-cade ee bariga sanaag ku dhex maray ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo maamulka Puntland,kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilaa hada ma jiraan wax kale oo amni daro ah oo ka dhacay deegaanadaasi iyada oona si nabadgaliyo ah uga soo dhamaatay.

 

Comments

comments