Somaliland: Saladiin Uu Hoggaaminaayo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani Oo Safar Nabadayn Ah Ugu Baxay Xarunta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Wafti odayaal  miisan cuslus oo uu hoggaaminaayo Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa socdaal nabadeed ugu anbaxa baxay xarunta dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

Waftigan Suldaanku hoggaaminaayo oo galabta Hargaysa ka baxay, waxay wadahadal ballaadhan oo aan la garanayn intuu qaadan doono la yeelan doonaan Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Cumar.

Arrinta ugu muhiimsan ee la filaayo inay labada dhinac ka wada hadli doonaan ayaa ah, dadkii shacabka tirada badan aha ee lagu laayay Degaanka Jaamac Dubad ee Degmada Gaashaamo.

Comments

comments

SHARE