Deg Deg :- Gaadhi Uu Lahaa Sheekh Caan Ah Oo Moqdisho Lagu Qarxiyey

Maamulka Muqdisho Oo Dib Ugu soo Bilaabmayeen amni darada iyo nabad la anta ka taagan muqdisho laga yaabo inay dad badani kasoo yaacan maamulka muqdisho tan iyo laga bilaabo bishi sadexad ayaa la filaye inay ka baxayso qacanta dawlada fadarlka ah muqdisho

Warar goor dhawey Soo gaadhay xafiiksa war qabadka ee shabakada Ilaysnews.com ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu qarxay gaadhi uu lahaa Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo amid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Gaadhiga oo ahaa nuuca raaxada ee loo yaqaan Crown ayaa lagu soo xidhay waxyaabaha qarxa , waxa uuna gaadhigu  ku qarxay laamiga Maka Al-Mukarama gaar ahaan kasoo horjeedka Hotelka Wehliye.

Sida aan Wararka ku heleyno gaadhiga ayaa xiliga uu qarxayay waxaan saarneen Sheekh Cali Yuusuf Ceynte, waxa uuna gaadhiga uu yaalay laamiga dhinaciisa, waxaana inta laxaqiijiyay dhaawac fudud uu qaraxasai kasoo gaardhay qof laamiga marayay.

Ciidamada amaanka ayaa xidhay  halka uu qaraxu ka dhacay iyagoona halkaasi ka sameeyay baadhitaan, mana jiro ilaa hada cid sheegatay masuuliyada qaraxan gaarigiisa loogu soo xiray Sheekh Yuusuf Ceynte.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa ah Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed , waxa uuna horey usoo noqday Xildhibaan katirsanaa Baarlamaankii KMG Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Comments

comments

SHARE