Somaliland: Go’aankii Ka-Garnaqa Khilaafka Xisbigga UCID Oo Maanta Loo Ballan-San-Yahay

393

Waxa la-filayaa in saaka si rasmi ah loogu dhawaaqo go’aankii inta mudada ah loo dheg-taagayay ee xal-u-helidda Khilaafka ka dhex-aloosanaa garabyadda isku-haya Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID,kuwaas oo ay kala hogaaminayaan Gudoomiyaha Xisbigga,Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiggaasi,Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen.

Dacwaddan oo ay gacanta ku hayaan Guddigga Diwaan-galinta Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta Qarranka,ayaa waxa Maxkamadda u gud-biyay garabka uu hogaamiyo Jamaal Cali Xuseen,ka dib markii uu khilaaf in muddo ah soo jiitamayay uu cirka isku sii shareeray,taas oo keentay inuu meesha ka baxo oo Xisbigga iska casilo Musharaxii Madaxweyne Ku-Xiggeen ee Xisbigga Cabdirashiid Xasan Mataan oo hadda ah Xog-hayaha Warfaafinta ee Xisbigga WADDANI.

Ilaa hadda lama saadaalin karo go’aanka Guddigga,waxaana Xidhiidhyo kala duwan oo uu Saaka la-sameeyay Wariye Maxamed Hassan Daacad labadda garab ee ay dacwaddu ka dhexayso ay muujiyeen in aanay garan-karin waxa soo bixi doono.

Comments

comments