Somaliland: Wariye ka Tirsan Telefishanka Qaranka Somaliland oo Xabsiga loo Taxaabay

215

Ciiddamada Booliiska Somaliland,ayaa maant xabsiga u taxaabay Wariye Muniir Axmed Cigaal oo ka hawlgalayay  Telefishanka Qaranka Somaliland.

Wariye Muniir waxaa uu sidoo kale ahaa Guddoomiyaha Wargeyska Somaliland Today oo kasoo Baxa magaalada Hargeysa, waxaana  markii la xidhay wariyaha uu la socday Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

War lagu baahiyay Mareegta Somaliland Today ku leedahay Internet ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliisku ay jidh dil u gaysteen wariyaha markii la xidhay islamarkaana aan ilaa imika la garanayn saldhiga uu ku jiro wariye Muniir Axmed Cigaal.

Ilaa hada laamaha Amaanka Somaliland kama hadal Xadhiga wariyahan ka tirsan warbaahinta dawlada.

Comments

comments

SHARE