War DegDeg ah: Dagaal U Dhexeeya Somaliland Iyo Maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo Ka Curtay Sanaag-bari

Wararka hordhaca ah ee kazoo baxaya degaannada Sanaag-bari ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saaka dagaal u dhexeeya Cidammada Somaliland iyo kuwa Maleeshiyaadka maamul goboleedka Puntland ayaa ka bilawday degaanka looyaqaanno BOODDA oo qiyqqstii dhawr iyo labaatan kilo-mitir jahada galbeed kaxigta magaalada Dhahar.

Lama oga ilaa hadda khasaaraha dagaalkaas ka dhashay oo sugan haseyeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiro khasaare labada dhinacba soo gaadhey.

Dhinaca kalena bulshada kudhaqan magaalada Dhahar oo aannu laxidhiidhnay ayaa iyaguna sheegay inay maqlayaan sanqadhaha hubka dhacaya haseyeeshee aanay xog intaas kasii dheer u hayn dagaalkaas.

 Oodweynenews

 

Comments

comments

SHARE