Somaliland: Malaa “Xalay Waabuu Sigtay(Siilaanyo), Illayn Xagaasuu U Hoydaye,Aniguna…”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur), ayaa ka hadlay xaalada nabadgelyo ee deegaanada Gobolka Sool iyo qabsoomida doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka Somaliland.Sidaa wuxuu ka sheegay mar uu shalay hadal ka jeediyay furitaankii kalfadhiga Golaha Guurtida.

Gudoomiye Saleebaan  wuxuu ka sheegay halkaa  innaanay jirin wax muddo kordhin ah oo Madaxweyne Siilaanyo loo sameynayo ee marka diwaangelintu dhamaato la qabto doorashada, isla markaana ay gole ahaan kala shaqeeyaan. “Waxa jirta cannaan iska daba imanaysa oo barigaba ha u badatee. Qolooyinkii reer Xudun heshiiye illahay mid waarta ha ka dhigo.Colaadii Dhargayngeeyo maalmahan wax dhacay oo ina dhiba maan maqlayn, markaa hadii  ciiddii aynu ka baxnay dhaqso ayey mar kale Guddidii Guurtidu ugu noqonayaan. Waxba ha jeclaysanina hadhka qabow ee Hargeysa, ilaahay ha inala qabto, sidii nabad waarta looga gaadhi lahaa arrimahaas.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiye Saleebaan wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Diiwaangelintii waxa hadhsan laba Gobol iyo Buuhoodle, markaa saaka (shalay subax),way ka bilaabantay Gobolkii Sanaag. Doorashadiina taas oo uun bay daba socotaa. Waan maqlayaa xamxam badan oo doorasho la gelimaayo ah. Anigu warkaa meelna kuma hayo, horena waan u idhi Madaxweynihiina ma odhan. Jaraa’idka  uun baa ina xukuma, anigu diradiraale oo uun baan ka dareemay. Madaxweynaha way ka go’an tahay, laakiin Golayaashu inay dabada leexleexiyaan maaha, inaguna waa inaynu sidaa kula shaqaynaa. Dee Malaha Xalay waa buu sigtay illayn  xagaasuu u hoydaye, aniguna waan ku kacayoo, badanaa reertowga  waan iskaga seexdaa isagoo shaqaynaya, markaa waan ku kacayoo  ilaa afartii waan soo jeeday, dawlad wayn oo muslim ah dadkeeda wax u qabatay oo ay jecel yihiin ayay koox yari ku kacday. Dadweyne waa kacay, way dagaalameen, mucaaradkii oo aanay isku wanaagsanaynina waa dagaalameen, markaa inagana cashar ha inoo ahaato, ma filayo inaga malaha wax hamigaasi ku jirraa inuu inagu jiro.

Comments

comments