Somaliland: Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Muranka Ka Taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada La Xidhiidhiyey Guurtida Somaliland

129
Somaliland: “Sharciga Ku Waajahan Somalia, Ee Uu Adkeeyey Cigaal, Daahir Rayaalena Sii Adkeeyey, Waxa Dabcisay Xukuumaddan” Ahmed Yusuf Yaasiin

Wuxuu Sheegay In Marxuum Cigaal Oo Doonayey In Guurtida Laga Dhigo Lixdan Xubnood Awgeed Guutidu U Jebiyeen Xeer

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf  Yaasiin,  ayaa sheegay in Guddida loo saaray saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada aanay si toos ah uga hadlayn mushkiladda saami qaybsiga kuraasta Wakiillada Somaliland.

Axmed Yuusuf Yaasiin,  waxa kale oo u sheegay in aqalka Golaha Guurtida Somaliland uu Madaxwaynihii hore Somaliland  Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ugu talo galay in laga dhigo 60 xubnood oo laga soo xulay  Gobollada Somaliland.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ugu horeyn ka hadlaya sida uu u arko siday hawsha u wadaan Guddida Xalka u raadinaya Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada, ayaa sheegay inaan Guddidaasi sidii la rabay uga shaqeynayn Arrintaasi, “Maanta Ninba gidaar  ayuu isku qaadayaa oo Guddida la saaray  taaban maayaan halkay taalo Mushkiladdan saami qaybsigu ama ay ka soo bilaabantay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Xeerkaas ama Kaabista Dastuurku wuxuu qorayey in Golaha Guurtida laga dhigo Lixdan Xubnood oo lagu qoro Dastuurka oo aanay Weligoodba Sal-guurin, lagana soo xulo Lixdii Degmo ee Ingiriisku ka tagay.”

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin waxaa uu caddeeyay inaanu jirin xeer 82 xildhibaan oo kaliya ka dhigay kuraasta Golaha Wakiillada.“82kan Golaha Wakiillada ee ku qoran distoorka waa laga saaray, waxaa lagu qorey inuu xeer qeexo, distoorkii hore ee ka koobnaa 116 qodob ayuu ku saxeexnaa, markaa Cigaal waxaa uu soo dhigay distoor 99 qodob ah oo aanu ku qorin 82 kursi ee Golaha Wakiillada, waxaana uu uga jeeday haddii cod lagu soo baxayo markay codeeyaan 5000 oo qof inay kuraasta baarlamaanku noqon karto 100 kursi”ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo wareysi  siiyay TVga Bulsho, waxaanu intaa ku daray oo uu sharraxay halka uu ka khaldamay Xeerka Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada, “Maaddaama oo Guurtida iyo Wakiilladu midba gaarkiisa u codeeyay, qodob kasta oo 55 Xildhibaan u codeeyaana Dastuurka Gelayey, Guurtida oo diiddanayd in Lixdan Xubnood laga dhigo, ayay Qodobkaa jebiyeen.”

Comments

comments