Somalia: Jeneraal Gaafow Oo Si Rasmi Ah Loogu Magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Maamulka Muqdisho

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay si rasmi ah xilka Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ugu magacaabeen Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo xilkan si KMG ah u hayay.

Magacaabidan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isla garteen in Jen, Gaafow si rasmi xilkaas loogu magacaabo, maadaama uu yahay nin waayo arag ah, isla markaana ka bixi kara xilkaan.

Jen. Gaafow ayaa horay u hayay xilka Taliyaha laanta Socdaalka, waxaana la ogeyn in xilkan uu sii heynayo iyo in kale, balse waxaa wararka qaar sheegaya in xilka uu wareejin doono marka dowladda cusub la soo dhiso.

Comments

comments

SHARE