Somaliland: Qalab Isgaadhsiineed Oo Casri Ah Oo Lasoo Gaadhsiiyay Ciidanka Dab-damiska Magaalada Hargeysa Iyo Agaasimaha Fulinta Dab-damiska Oo Ka Warbixiyay

238

Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Somaliland Md.Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa ka war bixiyey qalab Isgaadhisiin gaar ah oo  casriya oo Ciidanka Dab-damiska loo rakibaayo oo soo gaadhay xarunta Ciidanka dab-damiska ee magaalada hargeysa.

Waxaana uu agaasimuhu sheegay in qalabkani uu yahay mid aan hore looga isticmaali jirin dalka isla markaana fududaynaya in si fudud ay ciidanku uwada xidhiidhaan.

Waxaana Cabdiqaadir Cumar Xaasho oo arimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay baraha ay bulshadu ku kulanto waxaana uu u dhignaa sida tan.

” Ilaahey baa mahad leh mar labaad waxaan u mahadnaqayàa wasiirada wasaaradaha daakhiliga, maaliyada, Diinta iyo Awqaafta iyo Duqa Caasimada Hargeisa oo gacan weyn ka geystey hirgalinta isgaadhsiinta Ciidanka Dab-demiska u gaarka ah isgaadhsiintaasi oo iyada oo isku dhan maanta soo gaadhey xarunta Ciidanka Dabdemiska.|

Agaasimaha Fulinta ee Ciidanka Dab-damiska Qaranka Somaliland Md.Cabdiqaadir Cumar Xaashi ayaa isaga oo warbixintiisa sii wata waxa uu yidhi”

Haddaba, isgaadhsiintan oo aan nooceeda hore dalka looga isticmaali jirin ayaa waxay ka kooban tahay Repeater Base laba qeybood ah oo lagu kala rakibi doono xarunta iyo tower kale oo War-lallis, gacmaha lagu hadlo ee radio walktalkie oo aad iyo aad u casriya oo Ku shaqeyn doona GPRS, GIS iyo Head phones.

Waxaan u mahad-celinnayaa Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaddu Mashruucan u suurto-gelisay Ciidanka dab-damiska, iyaddoo ay horenna u samaysay Mashaariic ay ka mid ahaayeen iibka gaadiidka, dhismaha guriga, Qalabeynta Xarunta, direyska dabka lagashado ee xubnaha Ciidanka dabdemiska Qaranka.

Ugu danbeyn waxaan Mahad-naq balàadhan u dirayaa Madaxweynaha JSL oo Xukuumadiisu hirgalisey Aasaaska iyo dhismaha Ciidanka dab-demiska qaranka Somaliland. sidoo kale waxaan mahad naqbalaadhan u direyaa Gudida horumarinta Caasimada Hargeisa oo iyagu lahaa hindisaha mashruuca dabdemiska iyo hirgalintiisaba|”

Comments

comments

SHARE