Somaliland: Gudoomiye Cirro Oo Goordhaw Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa U Jeedinaya Shacabka Magaalada Ceerigaabo Iyo Qodobada La Filayo Inuu Kaga Hadlo Khudbadiisa

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” oo maalmihii u danbeeyeyba socdaal ku marayay gobolka sanaag isla markaan wakhti xaadirkan ku sugan magaalada ceerigaabo ayaa goordhaw khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeedinayay shacabka ku dhaqan magaalada ceerigaabo.

Waxaana uu khudbada gudoomiye Cirro ka jeedinayaa fagaaraha khayriyada magaalada oo ay iskugu soo baxeen boqolaaal dadwayne ah kuwaasi oo usoo baxay sidii ay u dhagaysan lahaayeen khudbada gudoomiye Cirro.

Waxana uu gudoomiyuhu khudbadiisa arimaha uu kaga hadli doono kamid ah xaalada guud ee dalka marayo, arimaha doorashooyinka dhacaya sanadka 2017, muhiimada diiwaangalinta codbixiyayaasha,barnaamijka xisbiga WADDANI iyo waliba qorshayaasha xisbiga WADDANI uga meel yaala inuu u qabto shacabka gobolka sanaag hadii uu ku guuleysto jagada madaxtinimada dalka, sidoo kalena waxa uu dadwaynaha gobolka sanaag u sheegayaa muhiimada ku duugan diiwaangalinta codbixiyayaasha.

 

Goordhaw filo muuqaalka khudbada gudoomiye Cirro u jeediyay shacabka magaalada ceerigaabo.

Comments

comments