Somaliland: WADDANI Iyo KULMIYE Oo Markale La Filaayo Inuu Laacdan Siyaasadeed Ku Dhexmaro Gobolka Sanaag.

Guddoomiye Cirro Iyo Raxan Sarakiishii Xisbigiisa Ah Oo Lagu Soo Dhaweyay Degaanada Ceel-afweyn Iyo Gar-adag, & Wafti Miisaan Culus Oo U Horkacaayo Madaxweyne ku-xigeen ka  Somaliland Oo Maanta Ku Sii Jeeda Gobolka Sanaag.

Laacdaanka siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ayaa la filayaa inuu mar kale ka bilaabmo gobolka Somaliland ugu wayn ee Sanag gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo aakhirka la isugu biyo shuban doono.

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga WADDANI iyo saraakiil sar sare oo xisbigiisa ka tirsan ayaa shalay gaadhay gobolka Sanaag waxaana si wayn loogusoo dhoweeyey magaalooyinka Gar-adag iyo Ceel Afwayn oo ka mid ah deegaanada ugu saamaynta badan gobolka Sanaag, iyadoo dadka deegaanku  ay u soo dhaweeyeen si fooladayn ah oo uu bandhig siyaasadeed ka muuqdo.

Sidoo kale wafti ka socda xisbiga KULMIYE oo uu hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayna ku wehelin doonaan masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu ka mid yahay guddoomiye kuxigeenka xisbiga Mujaahid Maxamed Kaahin iyo guddoomiye kuxigeenka labaad Axmed Cabdi Dheere ayaa la filayaa inay maanta isla deegaanadaas gaadhaan.

Bilawga diiwaangalinta codbixinta ayaa mar kale unoqon doonta xisbiyada fursad kale oo ay ku muujiyaan codadkooda waxaanay mar kale samayn doonaan bandhigooda gaarka ah ee siyaasiga ah waxaana maalmaha soo socda la filayaa in loolanku si rasmi ah u bilaabmo maadaama deegaankaasi muhiim u yahay labadan xisbi.

Comments

comments