Somaliland: Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Muddo-kordhin Loo Samaynayo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

102

“Doorashadii waa in la galaa, Madaxwaynahana markii iigu Dambaysay Wuxuu Yidhi Maalin La Ii Kordhin Maayo..” Gudd. Saleebaan

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta La Sheegay In Loo Samaynayo Xukuumadda Somaliland Iyo Fariin Uu U Direy Bulshada Gobolka Sanaag

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay mudo kordhin kale oo la sheegay in loo wado Xukuummada madaxwayne Siilaanyo.

Guddoomiyaha Guurtidu,  waxaa uu sheegay in aannu jirin codsi uga yimi Madaxwaynaha oo ku saabsan in xilka loo kordhiyo “Madaxwaynaha kama hayo hala ii kordhiyo, warbaahinta ayaa waxaasi walaaqaysa, markay timaado Mudo kordhintu waxaad tidhaahdaan (Saxaafadaay) waar ka daaya mudo kordhin looma baahnee, madaxwaynuhu muu codsan rabitaana kuma ogi”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo shalay warbaahinta qaar kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Saleebaan waxaa uu carabka ku adkeeyay in loo baahanyahay Doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo isxambaar ah waxaanu yidhi “Doorashadii waa in la galaa, Madaxwaynuhuna markii u dambaysay wuxuu yidhi anna maalin la ii kordhin maayo labada doorashana waa dhacayaan”

Warbaahinta maxaliga ayaa maalmahan baahinaysay in wasiiro ka mid ah xukuumada madaxwayne Siilaanyo ay doonayaan mudo Kordhin labaad islamarkaana doorashadu dib u dhacdo.

Comments

comments