Sudan: Wararkii ugu dambeeyay Daggaalada Dib uga Bilowday Koonfurta Suudaan

185

Dagaallo Sokeeye oo u dhaxeeya Ciiddamo taageersan Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa mar kale dib uga bilowday Koonfurta Suudaan.

Suxufiyiinta ku Sugan magaalada Caasimada ee Juba ayaa sheegay in guud ahaan Magaalada laga wada maqlayo dhawaaqa Rasaasta iyo sidoo kale hubka culus ee ay is waydaarsanayaan labada Dhinac.

Waxaa la sheegayaa inay dagaaladaasi ku dhinteen ugu yaraan 200 oo qof ilaa maalintii Jimcaha oo colaaddahani Bilaabmeen.

Warbaahinta shiinaha ayaa baahisay in ay ku dhinteen dagaaladaas laba muwaadin oo u joogay Juba Ilaalinta Nabada, halka ay qaar kalena ku dhaawacmeen.

Malaayiin qof oo u badan dumar iyo Caruur ayaa ka barakacay Magaalada Juba ee dagaalladu ka socdaan waxaana aad u yaraatay isku socodka qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ciiddamada taabacsan Madaxwayne ku xigeenka ayaa weeraray xarunta ay qarramada midoobay ku leedahay iyo Garoonka Diyaaradaha magaallada Juba ee Koonfurta Suudaan.

Ciiddamadda taageersan madaxwayne Ku xigeenka waxaa ay sidoo kale maalintii shalay sheegeen  inay weerareen Ciiddamada taabacsan Madaxwayne Salva Kiir.

Qarramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdega loo joojiyo colaadaha marka kale ka curtay Koonfurta Suudaan.

Daggaaladan dib uga bilowday Koonfurta Suudaan  waxay u dhaxeeyaan Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa oo aad ugu kala fog siyaassada lagu maamulo waddankaasi islamarkaana kasoo kala jeedda laba qabiil oo ku kala qaybsan habka maamulka ee Koonfurta Suudaan.

Laba sano ka hor, ayaa Koonfurta Suudaan waxaa sidan oo kale uga bilowday daggaalo sokeeye oo u dhaxeeya ciiddamo kala taageersan madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, daggaaladaasi oo sababay dhimashada in ka  badan 500,000 kun oo qof halka ay ka barakaceen Malaayiin kale.

Koonfurta Suudaan, waa dalkii ugu dambeeyay ee haayada qarramada Midoobay u aqoonsatay waddan madax banaan oo ka go’ay Suudaanta kale, sannado badan oo ay dagaal kula jireen Dawlada uu xukumo madaxwayne Al-Bashiir, balse intii Suudaan loo aqoonsaday waddan Madaxbanaan waxaan marnaba dagin xaalada Siyaasadeed ee Dalkaasi.

Comments

comments

SHARE