Somalia: Kooxda Al-Shabaab Oo Xalay Saqdii Dhexe Weerar Xooggan Ku Qaaday Xerada Laanta Buuro Ee Gobolka Shabbeelaha Hoose

Al Shabab fighters train outside Mogadishu in 2011. The U.S. has increased operations against the group, bombing a militant training camp in March. The Pentagon said the strike killed over 150 militants. MOHAMED SHEIKH NOR/ASSOCIATED PRESS

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar culus oo xalay saqdii dhexe Al-Shabaab ku qaaday saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen Laanta Buuro ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo Al-Shabaab la wareegtay xeradaas.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftii hure ah, waxaana qaraxa kadib Al-Shabaab dhowr jiho ka weerartay xerada.

Dagaal muddo saacado socday ayaa ka dhacay Xerada, waxaana Al-Shabaab ay sheegtay inay ku dishay sodomeeyo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha xooggan uu labada dhinac dagaalka ka soo gaaray, maadaama dagaalka uu ahaa mid aad u cuslaa.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay saanad milateri iyo baabuur taalay xerada ay la wareegeen, iyagoo gawaarida qaar ay qabsadeen ay ku tilmaameen inay ahaayeen kuwo aan xabada karin.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay, iyadoo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen, Maxamed Aadan Axmed uu maalintii Ciida uga digay ciidamada xoogga dalka inay ka feejignaadaan weerarada Al-Shabaab.

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ku qaadaan xerada Laanta Buuro, iyadoo bishii Maarso Al-Shabaab weerar ay gaadiid badan ku qabsadeen ku qaaday xeradaas, inkastoo weerarkii xalay uu ka duwanaa

Comments

comments

SHARE