Somaliland: Taliyayaasha Ciidammada Millateriga Iyo Boliiska Somaliland Oo Ceerigaabo Kusugan, Wasiirro Waddada Kusoo Jira + Madaxweyne Kuxigeenka Oo Taariikhda Markii Ugu Horraysey Ceerigaabo Arrimo Xisbi Ugusoo Fool leh

167

Iyadoo dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyeyba dhaq-dhaqaaqyada diiwaangelinta la xidhiidha laga dareemayey gudaha magaalada Ceerigaabo waxa labadii habeen ee ugu danbeeyey magaalada Ceerigaabo kusugan Taliyayaasha Guud ee Ciidammada Millateriga Sarreeye-guuto Ismaaciil Shaqalle iyo Boliiska General Fadal iyo weliba saraakiil sar-sare iyo ciidammada qaybohooda kala duwan oo wejiyo cusub ku ah reer Ceerigaabo.

Wasiirro laga tilmaamay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed X. Cali (Cadami) oo kusoo jeeda magaalada Ceerigaabo ayaa iyagana lasheegayaa inay waddada kusoo jiraan kuwaasoo qaybtooda ka noqon doona hirgelinta hawsha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee lafilayo toddobaadka soo socda inay kabilaabmi doonto gobolka Sanaag.

Dhinaca kalena Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi (Saylici) ayaa lafilayaa toddobaadkan dabayaaqadiisa inuu usoo kicitimi doono dhinaca magaalada Ceerigaabo, taasoo noqonaysa taariikhda markii ugu horraysey ee madaxweyne-kuxigeenka Somaliland uu safar ku tago magaalada Ceerigaabo waxana tibaaxaha hor dhaca ahi sheegayaan in madaxweyne kuxigeenka socdaalkiisu salka ku hayn doono arrimo la xidhiidha danaha Xisbigiisa Kulmiye.

Comments

comments