Somaliland: Badhasaabka Sool Oo Bandow Ku Soo Rogay Magaalada Laascaanood Iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Lasoo Dhoobay Gudaha Magaalada

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in magaaladaa laascaanood bandow lagu soo rogay maanta kadib markii laba qof lagu dilay duleedka magaaladaas.

Waxaana sidoo kalena gudaha magaalada laascanood lasoo dhooby ciidamo tiro badan kuwasi oo gaaf wareegaya gudaha magaalada.

Waxay wararku intaas ku darayaan in dirir ay ka bilaabatay magaalada duleedkeeda dabadeedna ay usoo gudubtay gudaha magaalada ka hor inta aan bandowga lasoo rogin.

Dadka dhintay maahee, waxaa jira dad dagaalkaa lagu dhaawacay walow aan wali la ogeyn tiradooda.

Gudoomiyaha gobolka sool mudane Mustafe Shine ayaa sheegay in muddo 24 saacadood ah ay magaalada laascaanood bandow ahaan doonto,gaadhina aan lagu arkin karin gudaha magaalada.

Comments

comments