Italy: Ciidamada Ilaalada Badda Talyaaniga Oo Sheegay Inay Badbaadiyeen Tahriibayaal gaadhaya 3300

152
And they also perform skits about the perils of illegal migration, says circus manager Kamal Hassan Isak, himself a former acrobat and member of the inaugural circus group in 1997. “Really, it’s a big issue because a lot of children and youth have died in the Sahara or the sea, the Mediterranean Sea,” said Isak. The International Organization on Migration says over 66,000 migrants from the Horn of Africa arrived in Europe last year, a “marked increase” from 2014. And it remains a dangerous journey. Hundreds of East African migrants were killed when their boat capsized in the southern Mediterranean just this April.

Ciidamada Ilaalada Badda Talyaaniga ayaa shaaciyay inay badbaadiyeen tiro badan oo Muhaajiriin ah, kuwaasi oo naftooda ku biimeeyay Badda u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Libya.

Wakaalada Wararka Reuters oo soo xiganaysa Saraakiil ka tirsan Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ciidamada Badda Talyaaniga ay badbaadiyeen labadii cisho ee la soo dhaafay dad gaaraya 3300.

Ciidamada ayaa maalmihii Sabtidii iyo Axadii waxa ay qaadeen ugu yaraan 26 howlgalo oo naftooda lagu badbaadiyay dad Muhaajiriin ah oo intooda badan ka soo jeeda qaarada Afrika.

Badbaadinta ugu badan waxa ay ka dhacday Xeebaha dalka Libya, kadib markii dadkaan Doomihii ay saarnaayeen ay la ciladoobeen, sidaasina naftooda ay Qatar ku gashay.

Intii uu socday howlgalka badbaadada, waxaa dhintay hal ruux, sidoo kalena waxaa dhaawacmay Afar ruux, sida Saraakiisha ciidamada Badda Talyaaniga ay xaqiijiyeen.

Saraakiisha ma aysan shaacin dalalka ay u kala dhasheen dadkaan ciidamada ay badbaadiyeen, hayeeshe waxaa la geeyay dadkaasi dalka Talyaaniga oo markii horeba uu qorshahooda uu ahaa inay gaaraan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa sheegta in sanadkan dad gaaraya 60 000 oo qof ay doonyo ku tageen dalka Talyaaniga.

Comments

comments