Somaliland: Nuxurka Warbixinaha Ay Warbaahinta Caalamku Ka Baahisay Sannad Guurada 25aad Ee La Soo Noqoshada Madaxbanaanida Somaliland

Arbacadii Shalay waxaa jamhuuriyadda Somaliland si aad u ballaadhan looga xusay sannad guuradii 25 aad ee ka soo wareegtay sannadkii 1991kii markii ergo ka kala socotay beelaha Somaliland wada degaa ay magaalada Burco ku yeesheen kulan lagu go’aamiyey in wixii hore loogu yeedhi jiray gobollada woqooyi ay samaystaan dawlad madax bannaan oo loogu wan qalay magaca Jamhuuriyadda Somaliland1

Caadi ahaana muddadaas rubuc qarniga ah ee Somaliland jirtay siyaabo kala duwan balse xiisaha iyo xamaasadda ka siman ayaa loo xusay, madaxweynayaal kala duwan iyo duruufo kala gaar gaar ah ayaanay ku soo beegantay. Waxa se’ xuska shalay u gaar ahaa in uu tirada cimriga Somaliland ka dhigay Rubuc Qarni, in ay ahayd maalintii qaran ee ugu dambaysay ee uu madaxweyne Siilaanyo isaga oo madaxweyne ah kala qayb qaato shacabka Somaliland, maadaama oo sida qorshaysan ay doorashooyinkii madaxweynenimada tartanka loogu galayey qabsoomayaan horraanta sannadka dambe inta aan la gaadhin 18ka May 2017, madaxweyne Siilaanyana aanu ku jirin murashaxiinta, waxa ay ku soo beegantay xilli dalka ay ka socoto diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, xukuumadda Somaliland ay saxeexday warqad isfaham oo horudhac u ah heshiis noociisa kii ugu weynaa ah oo la xidhiidha dekedda Berbera oo maamulkeeda lala wadaagayo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Haddaba Munaasabadda May ee sannadkan waxaa sidii horeba u dhici jirtay ka soo qayb galay war-fidiyeen ka kala socda warbaahinta kala duwan ee dunida qaarkood, kuwaas oo siyaabo kala duwan u urursanayey wararka la xidhiidha hab-socodka munaasabadda iyo guud ahaanba Somaliland xaaladaheeda dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed.

In kasta oo ay weli goor hore tahay in la wada ogaado warbixinaha ay warfidiyeenkani ka diyaareen Somaliland, haddana waxa uu Geeska Afrika illaa saacadihii dambe ee xalay u kuurgalay qoraallo kala duwan oo qaar ka mid ah warfidiyeenku ka diyaariyeen munaasabaddan.

AP

Wakaaladda wararka Maraykanka ee AP, ayaa warbixin ay ka qortay munaasabaddan ku bilowday, “Gobolka iskii isu maamula ee Somaliland,  oo mar kale cusboonaysiiyey baaqii uu bulshada caalamka kaga doonayey aqoonsiga madax-bannaanida ay ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ka qaadatay”

“Kumannaan rayid iyo milateri isugu jira ayaa gaardis ku maray madaxda hortooda, magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, iyada oo xukuumadduna ay soo bandhigtay hub iyo qalab Milateri oo ah kii xilligii Midowga Soofiyat” ayaa lagu yidhi warbixinta wakaaladda AP. Iyada oo intaas ku sii dartay, Somaliland waxa ay madaxbannaani go’aansatay sannadkii 1991kii, markii xukunka laga tuuray keli-taliyihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, muddadaasna gobalkan waxaa ka jiray xasilooni iyo horumar dhaqaale, xitaa iyada oo Soomaaliya ay ragaadiyeen colaado lagu le’day.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaalilaan Sacad Cali Shire, oo wakaaladda AP soo xigatay ayaa yidhi, “Waa waqtigii beesha caalamku aqoonsan lahayd xaqiiqada 25 ka sano ka jirtay Somaliland”

AFP

Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa iyadu warbixin u badan ereyo taban ka diyaarisay munaasabadda 25 guurada 18 May, “Somaliland oo ah dal yar oo dhaca Geeska Afrika, oo sannadkii 1991kii ku dhawaaqay in uu ka madaxbannaan yahay Soomaaliya ayaa toddobaadkan u dabbaaldegaya xuska 25 guuradeeda, iyada oo gebi ahaanba beesha caalamku iska dhego marisay sheegashadeeda madaxbannaanida” ayaa lagu yidhi warbixintan oo uu diyaariyey wariye lagu magacaabo Karim Lebhour, oo intaas ku sii daray in aanu caasimadda Somaliland iman hal qof oo ehlu sharaf ah oo ajaanib ahi si uu u dhegeysto hadalka uu madaxweyne Siilaanyo ee madaxbannaanida. “Nafihiina been ha u sheegina, dhulka iyo dadka Soomaalilaan dib uguma soo noqonayaan Soomaaliya. Ee aynu ahaanno laba dal oo kala gaar ah iyo deris nabad ku wada noolaada” ereyadaas ayaa ka mid ahaa hadallada uu warfidiyeenka AFP ka soo qaatay khudbadda madaxweyne Siilaanyo.

Warbixintu waxa ay sheegtay in socod gaado-ka-ciyaar ah ay qasriga madaxtooyada Somaliland ku hor mareen qaybaha kala duwan ee dawladda oo ay ka mid yihiin garsoorka, booliiska iyo milaterigu. “25 kaas sano hawl fiican ayaa aanu qabsannay. Waxa aanu adduunyada ugu baaqaynaa in ay ka markhaati noqoto horumarka ay Somaliland gaadhay” sidaa waxaa warfidiyeenka AFP ku yidhi Cabdisalaan Axmed oo uu ku sheegay nin da’ yar oo calanka Somaliland qoorta ku duubtay.

Warbixinta AFP waxaa lagu sheegay in tiro ka badan saddex meelood laba meelood oo ah dadka Somaliland ay sida wiilkaas Cabdisalaan ka yar yihiin da’da 25 jira, oo aanay weligood arkin Soomaaliya. Waxa kale oo uu soo xigtay gabadh uu ku sheegay magaceeda Ashira oo uu kula kulmay goobta ay saarantahay diyaaradda MIG ee badhtamaha suuqa Hargeysa, gabadhaas oo u sheegtay, “Ma’ nihin Soomaaliya. Magacayagu waa Somaliland! Waxa aanu u baahannay in lana aqoonsado” wariyuhu waxa uu sheegay in diyaaradda goobtan saaran oo ah nooca uu Midowga Soofiyati samayn jiray ee MIG ay tahay raad dadka Somaliland xasuusinaya garaacistii uu Maxamed Siaad Bare ka geystay dhulkan sannadkii 1988kii. “Garaacistaas oo ay tobannaan kun oo qof ku naf waayeen, caasimaddana dhulka la sintay, ayaa beertay siidhka beeray gooni’goosiga iyo cadhada daba dheeraatay” ayaa lagu yidhi warbixintan.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa isna wakaaladda AFP ay ka soo xigatay, “Aqoonsi la’aanta Somaliland waa caddaalad darro” isaga oo wasiirku intaas ku sii daray, “Haddii lana siiyo aqoonsi, waana aanu u qalannaa ee, waxa aanu awood u helaynaa in aanu helno deyn caalamiya, in aanu helno caawimo horumarineed iyo in aanu soo jiidanno maalgashi shisheeye. Imika waxaas oo dhan ma samayn karno, sababtuna waa keliya aqoonsi la’aanta”

Mary Harper (Tifaftiraha Afrika ee BBC qaybteeda wararka dibadda)

Warbixin ay Mary Harper ka qortay Somaliland oo BBC da lagu baahiyey ayaa ay ku bilowday, “25 sano ka hor ayaa laga joogaa markii dagaallo sokeeye oo qadhaadh kadib, ay gobolladii woqooyi-galbeed ee Soomaaliya ka go’een dalka intiisii kale, kuna dhawaaqeen in ay madaxbannaan yihiin”

Rubuc qarnigaas, hal dal ma’ uu aqoonsan Somaliland, laakiin haddana maamulkan oo ay dadkiisu gaadhayaan illaa 3.5 ruux ayaa lagu doodi karaa in uu ka mid yahay Geeska Afrika meelaha aadka u xasiloon ee dimuqraaddiga ah Geeska Afrika”

Waxaa xiise leh in saxafiyaddan oo caan ku ah wax ka qoristat arrimaha Soomaalida iyo guud ahaanba Geeska Afrika ay isku dayday iin ay dadka reer Somaliland iyo wakaaladda BBC ee ay u shaqayso fahamsiiso arrin inta badan kala fogaanshiyo dhinaca aragtida ah abuurta, waxa aanay tidhi, “Marka aynu BBC nahay, Somaliland uguma yeedhno dal, waayo si rasmi ah dal uma’ aha. Waxa aynu ugu yeedhnaa, jamhuuriyad iskeed isu magacowday. Taasina waxa ay keenta dhalleecayn ay dad badan oo reer Somaliland ahi inoo soo jeediyaan” iyada oo ay sidaas tahay, haddana Mary Harper waxa ay hoosta ka xariiqday in Somaliland ay leedahay, lacag, baasaboor, ciidamo iyo nidaam sharci oo u gaar ah, iyo in madaxweynayaasha talada qabanayaa ay ku yimaaddaan kursiga doorashooyiin ciddiyaha lagu dagaallamo, oo mararka qaarkood lagu kala guulaysto codka ugu yar. Si aan ka dhicin dalal badan oo Afrikaan ahna natiijada doorashooyinka ee Somaliland la aqbalo xitaa haddii cidda guulaysatay ay mucaaradka tahay.

“Laakiin haddana Soomaalilaan lama odhan karo waa ay saxal la’daay. Qayb weyn oo bariga ka mid ah waxaa ka jira muran, mararka qaarkood dagaal dhaliya oo ay kula jirto goballo kale oo Soomaaliya ah. Dadka galbeedka degaana waxa ay u guuxayaan ismaamul u gaar ah. waxaa iyaguna jira warbixinno sheegaya in ay jiraan unugyo Jiifa (Qarsoon) oo ka tirsan maleeshiayda Islaamiyinta ah ee Al-Shabaab” ayaa ay Mary Harper ku tidhi warbixintan.

Dhinaca kalana waxa ay sheegtay in Somaliland ay cabudhin badan ku hayso warbaahinta, mararka qaarkood ay xidho warfidiyeenka ama wargeysyada ay albaabada u xidho. Waxa ay ka warrantay xadhiga fannaaniintii xiddiga Geeska ee ka soo noqday Muqdisho.

“Somaliland waxa ay leedahay calan u gaar ah oo ka kooban, Cagaar, caddaan iyo casaan, dadka reer Somaliland waxa ay sharaf weyn u arkaan in calankan oo weyn ay siiyaan diblumaasiyiinta so obooqda, oo iyagu mararka qaarkood ka khajila in uu hortooda ka babbado, waayo waxa ay gelinaysaa mawqif adag, maadaama oo aan weli Somaliland la aqoonsan” ayaa ay Mary Harper ku tidhi warbixinteeda.

Waxa ay warbixintu si aad ah u ammaantat nabadgelyada Somaliland ka jirta, oo ay sheegtay in ay isu socodka aad u fududaysay, iyada oo barbar dhigtay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo warfidiyeenka u dhashay dalalka reer galbeedku aanay socon karin iyada oo aanay la socon lix askari oo si aad ah u hubaysan, kuna socda kolonyo laba baabuur ah, oo muraayadaha la madoobeeyey si xawli ahna loo wadayo. “Somaliland, keliday ayaa aan iska socdaa, xitaa habeenkii” ayaa ay Mary Harper ku tidhi warbixintan.

Mary Harper waxa ay sheegtay in Somalia ay ka jirto dawlad si buuxda loo aqoonsan yahay, oo Balaayiin doolar lagu kharash gareeyo, nafo badanna lagu waayo sidii looga saari lahaa colaadda rubux qarniga burburinaysay, in kasta oo uu imika waxoogaa horumar ahi jirana, aanay haddana muuqan wax calaamado ah oo lagu garan karo in xasiloonidu dhaqso u soo noqonayso. Waxa aanay barbar dhigtay Somaliland oo aan la aqoonsanayn, caawimo dibadda ah aan helin, haddana dib u dhis ballaadhan samaysay kana soo kabatay dagaalladii ka dhaca

Waxa kale oo ay is barbar dhigtay mar ay horraantii Sagaashamaadkii timid Hargeysa oo gebi ahaanteedba dhulka lala simay, markii ay sannadkii 2011ka ku soo noqotayna inta ay buur magaalada cidhifkeeda ah ku istaagtay ay u qaadan weyday dib u dhisma iyo Hargeysa cusub oo ay aragtay.

“Iyada oo indhaha caalamku si adag ugu jihaysan yihiin Muqdisho, uma eka in Somaliland mustaqbalka dhow la aqoonsan doono- Laakiin waaba suurtogal sidaasi (In la aqoonsadaa) barako badnaan lahayd” ayaa ay tidhi Mary Harper. Waxase ay ugu dambayntii is weydiisay, bal in ay suurtogal tahay in haddii Somaliland aqoonsi dawladnimo heli lahayd, in ay sida Koonfurta Suudaan colaado ka dhacaan.

Radio France International

Idaacadda caanka ah ee Radio France International, ayaa saxafiyad ka socotay waxa ay ka qayb gashay dabaaldegga 18 May ee 25 jirstay.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa idaacadan u sheegay in sababaha loo aqoonsan waayay Somaliland ay ka mid tahay xog la’aan, “waxaan jecelahay inaan cadeeyo in mid ka mid ah sababaha loo aqoonsan waayay Somaliland ilaa hadda ay tahay fahan la’aan taariikhda Somaliland ah. Somaliland maaha dal cusub,.” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Idaacadu waxay sheegtay in Somaliland oo ka kooban lix gobal oo saddexna galbeed yihiin, saddexna bari ay xad la leedahay dalalka Djibouti, Itoobiya iyo Somaliya. Idaacadu waxay sheegtay in xataa haddii la aqoonsan waayo Somaliland ay haddana Somaliland xidhiidh ganacsi la sii yeelanayso dalalka jaarka iyo gacanka Carabta.

Geeska

Comments

comments