Real Madrid Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Xaalada Dhaawicii Karim Benzwema Looga Saaray Kulankii Champions Leaque-ga Ee Manchester City

225

Real Madrid ayaa baadhitaan ku samaysay xaalada dhaawicii Karim Benzema looga saaray kulankii lugtii hore ee Etihad Stadium ee ay kooxaha Manchester City iyo Real Madrid barbaraha ku galeen, waxayna Los Blancos warbixin caafimaad ka soo saartay sida uu yahay xaalka xidiga ree France ee Benzema.

Karim Benzema ayaa kulankii lugtii hore ee Champions Leaque-ga ka soo laabtay dhaawac laakiin inkasta oo uu Zidane sheegay in uu taam u ahaa kulankii Manchester City, haddana Benzema ayaa waqtigii nasashada lagu badalay Jese Rodriguez taas oo muujinaysay in Zidane uu halis galiyay Benzema. Real Madrid ayaa warbixinteeda caafimaad ku sheegtay in Benzema uu soo gaadhay dhaawac muruqa lugtiisa bidix ahi taas oo walwal wayn ku sii abuuraysa Zidane iyo kooxdiisa Madrid.

Real Madrid ayaa sabtida booqan doonta kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan La Ligaha halka ay arbacada soo dhawayn doonto Manchester City ee kulanka lugta labaad ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga, wuxuuna dhaawaca  Benzema ku soo aadayaa waqtigii xili ciyaareedka Madrid ugu muhiimsanaa. Real Madrid ayaa sidoo kale wali ka warsugaysa horumarka xaalada Cristiano Ronaldo oo isna dhaawac ku seegay kulankii Manchester City ee Etihad Stadium.

Qoraalka ay Real Madrid ku cadhaysay dhaawaca muruqa ka soo gaadhay Benzema ayaa lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee kooxda waxaana lagu yidhi: “Kadib markii maanta ciyaartoyga Karim Benzema baadhitaan lagaga sameeyay cisbitaalka Sanitas La Moraleja University Hospital, waxaa laga daaweeyay dhaawac muruqa lugtiisa bidix ah. Ka soo kabsashadiisa waa lala socon doonaa waana la qiimayn doonaa”. Laakiin Real Madrid ayaan shaacin muddada uu Benzema u baahan yahay in uu dhaawac kaga soo laabto.

Comments

comments