Somaliland: Gudida Anshaxa Ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Fariin Digniin Ah U Diray Saddexda Xisbi Qaran Xilli Diwaangalintii Codbixiyayaashu Ka Bilaabmayso Gobolka Maroodi-jeex

193

Gudida anshaxa ee komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskooda ayaa fariin digniin ah u diray masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee WADANI, KULMIYE iyo UCID, waxanay gudidu uga digeen inay xisbiyadu sameeyaan olole.

Afhayeenka gudida anshaxa komishanka doorashooyinka qaranka Cabdiraxmaan Adan Maxamed oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa masuuliyinta xisbiyada qaranka ku booriyay inay u hogaansamaan xeerka xisbiyada ee lakala saxeexda waxaana afhayenka oo arimahaasi ka hadlaya uu yidhi sida tan.

“Gudida anshaxu waxay u taagan tahay oo loo sameeyey inay ilaaliso habsami usocodka diiwaangalinta codbixiyayaasha, sidoo loogu tala galay inay usocto, waxa ka dhacday saddexdii gobol iyo labadii degmo oo diiwangalintu kasoo dhamaatay olole siyaasadeed oo xisbiyadu runtii ay dhex galiyeen oo runtiina ahaa wax aan loo baahayn marar badana waan ka hadalnay, waxaanu faraynaa una soo jeedinaynaa mar labaad madaama ay saddexdii gobol ee hadhay ay had aka bilaabmayso inay ka waantoobaan oo aanay samayn ololihii saddexdii gobol ee kale ay ka sameeyeen,”Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aadan Maxamed.

Afhayeenka gudida anshaxa isagoo wali hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

“Waxan ku bogaadinaynaa masuuliyiinta xisbiyada qaranka inay u hogaansamaan xeerkii xisbigada ee la kala saxeexday ee ay kala sexeexdeen saddexda xisbi qaran iyo komishanku,xeerkaa saddexda xisbiba hore way u jabiyeen lkn waxaan uga digaynaa mar labaad inaanay dib ugu noqon, qofka bini,aadamka ahna hadii uu waxii lagu heshiyay ixtiraami waayo waxa ka imanaysa fawdo, waxaan leenahay madaxda saddexda xisbi qaran madaxdi bari ayaa tihiine hadii aad xeerka aynu ku heshiinay aad tixgalin waydaan sideen baanu bari dalka iyo dadkaba idiinku aamini karaynaa markaa ka waantoobaa Ayaan idin leenahay’Sidaas ayuu hadalkiisa kusookoobay Afhayeenka gudida anshaxa komishanka qaranka.

Si kasteba ha ahaatee fariintan digniinta ah ee kasoo yeedhay gudida anshaxa komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dhawaan ka bilaabmi doonto diiwaangalintii codbxiyayaashu gobolka maroodi-jeex.

Comments

comments