Somaliland: Saldhiga Saaxil, Qorshaha Khaliijka, Masar, Turkiga Iyo Socdaalkii Weftiga Ee Muqdisho Iyo Berbera

394

Diyaarad oo gaar ah oo siday wefti ka socday dawladda imaaraadka carabta UAE iyo sarkaal ka tirsan xukuumadda somaliland, kana soo duushay Muqdisho  ayaa la sheegay inay arbacadii ka degtay madaarka Berbera, isla markaana ay xubnihii weftigaasi muddo kooban oo ay madaarka joogeen indha indhayn buuxda ku sameeyeen garoonka diyaaradaha Berbera.

Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay Illo ku sugan magaaladda Berbera diyaaraddaa waxa la sheegay inay la socdeen  dibloomaasiyiin ka socday dawladda Imaaraadka Carabta oo ay ka mid ahaayeen safiirka dawlada UAE u fadhiya Muqdisho iyo masuuliin kale oo loo malaynayo inay ahaayeen saraakiil ciidan, isla markaana uu wehelinayay sarkaal ka tirsan Somaliland. Xogahaasi waxay intaa ku dareen in weftigaasi uu markii hore ka tegay Imaaraadka una socdaalay magaaladda Muqdisho, iyadoo uu wehelinayay wiilka uu sodoga u yahay madaxweynuhu, isla markaana siday warbaahinta qaarkoodba faafiyeen ay arbacadii ka soo duulleen Muqdisho, kana degeen madaarka Berbera, halkaasoo intii ay joogeen ay xoguhu tibaaxeen in laga joojiyay gelitaanka, loona diiday warbaahinta.

Siday baahiyeen mareegaha internetka qaarkood xubnihii diyaaraddaa la socday in muddo ah oo ay halkaa ku sugnaayeen waxay u kuur galeen qaybaha madaarka Berbera, kadibna waxay dib ugu laabteen diyaaraddii ay wateen. Xogaha laga faafiyay duulimaadkaasi tibaax kamay bixinin ujeeddada qasdigooda, mana jiraan warar ka soo baxay dhinacyadaa oo ay kaga hadleen socdaalkaa, isla markaana mareegaha qaar waxay faafiyeen inuu la socday wiilka uu sodoga u yahay madaxweynuhu ee Baashe Cawil, balse xogo uu wargeyska Ogaal ka helay illo ku sugan Berbera ayaa tibaaxay in aanuu Baashe Cawil la soconin balse uu la socday sarkaal kale. Dhanka kale warar aan la xaqiijin oo dadku isla dhex marayay wixii ka dambeeyay arbacadii ayaa tusmaynaya in ujeeddada weftigu la xidhiidho dawladda Imaaraadka oo dananayso madaarka Berbera si ay saldhig uga dhigtaan ciidamadda cirka iyo badda oo qayb ka noqonaya dagaalka ay khaliijiyiintu kula jirra Xuutiyiinta Yemen. Xogahaa dadka la olloga ah barnaamijkani ay isu tebinayeen waxay intaa ku dareen, in sidaa darteed xukuumadda Siilaanyo danaynayso kiraynta madaarka iyo dekedda Berbera ka hor dhamaadka mudda xilleedka kordhinta ah. Madaarka Berbera ayaa  hore loogu sameeyay dayactir kooban oo ay maalgelintiisa lahayd dawladda Kuwayt, balse hore looga wareejiyay duulimaadyadii, ilaa haddana aan la ogayn sababta.

Dhanka kale hirdan la xidhiidha saldhig ciidan oo halkaa laga siiyo isbahaysiga carabta ee lidka ku ah Xuutiyiinta uu taageero Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, ayaa la ishaarayaa inuu ka dhex jiro dalalka Masar iyo Turkiga, isla markaana xoggo uu faafiyay Haatufnews ayaa tibaaxay in Imaaraadku uu danaynayo in ciidan ka socda labadaa dal midkood la dejiyo Berbera, taasina ay tahay sababta hirdanka ka dhalisay dhexdooda. Iyadoo horaantii bishan wefti ka socda Masar uu socdaal ku yimi Hargeysa, wadahadalna la yeeshay madaxtooyada Somaliland, kuwaasoo markii ay laabteenna sheegay inay booqdeen gobol ka mid ah soomaaliya, madaxweyne Siilaanyona ku tilmaamay madaxweyne maamul goboleed.

Ma jiraan warar ka madax banaan xogahaa oo ka soo baxay dhinacyada ay khusayso, isla markaana xukuumadda Siilaanyo ayaa loo arkaa mid marba marka ka dambaysa meesha ka sii saaraysa xorriyada helitaanka iyo bixinta wararka si dadku u ogaadaan xaqiiqadda.

Comments

comments