Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Jawaab Ka Bixiyey Hadlo Ka Soo Yeedhay Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland

Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka arimaha dibada Somaliland .

Muddane Buubaa waxaa uu sheegay  in markii ay arintaasi ka hadlen ay u jeedkoodu ahaa in ay saxan xukuumada balse aanay majaro habaabin wadin isaga oo sheegay in xukuumada majaro habaabin ay iyadu wadey waxaana u yidhi

“Waftiga Somaliland ee joogay dalka Turkigu kamay hadal  markii ay tagayeen  hadii aanu nahay Waddani markii aanu ka hadalney ee aanu dadka u soo bandhignay wax ka jira ayaa shir jaraa’id qabteen oo ay kaga hadlayaan waxyaabaha ay waftigaasi u baxeen .

wasaarada arimaha dibadu may cadeen u jeedka waftigu u tagey turkiga markii hore balse marki aanu ka hadalnay  ayey naga dabo hadleen isla markaana majaro habaabinta ay nagu sheegayan iyaga ayaa wadda balse anaga taayadu waa sixid iyo toosin  oo aanu umada u sheegayna u jeedka ay waftigaasi u baxeen ” ayuu yidhi xildhibaan Buuba

Comments

comments