Somaliland: “Isbaahaysiga KULMIYE Kamaan Bixin Kana Bixi Maayo, Waayo Afduubkii Shirka Xisbiga Lagu Sameeyay Iyo Wixii Aanu Saluugnay Waa Sidoodi Wax Is Badalay Ma Jiraan”. Maxamed Biixi Yoonis

176

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland ahaana musharixii Madaxweynaha ee KULMIYE Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo beeniyey warar laga baahiyay oo ku soo baxaayay shabakadaha bulshadu ku kulanto iyo meelo kale. Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyay Shabakada wararka ee Somalilandtoday.com siyaasigan  ruug cadaaga ahi ee Maxamed Biixi Yoonis, qoraalkaas oo isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan.:

“Dhamaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waan salaamayaa, waxaanan Ilaahay s.w.c uga baryayaa bash-bash iyo barwaaqo inuu siiyo.

Marka xiga waxa aan beeninayaa warar aan sal iyo raadtoona lahayn, oo ku soo baxay bar-kulan-nada bulshadu ku wada xidhiidho qaarkood (Social Communication Media Networks). Facebook-gu kamidka yahay.

Warkaasi waxa uu sheegayay in aniga oo ah Maxamed Biixi Yoonis, kana mida siyaasiyiintii saluugay afduubkii xisbiga Kulmiye ka dhacay 10. Nov. 2016 ka, in aan ka baxay Isbahaysigii Dimuqraadi-doonka Xisbiga Kulmiye.

Waxa aan leeyahay kamaan bixin Isbahaysiga Dimuqraadidoonka Kulmiye, sabab aan uga baxaana meesha mataalo. Wixii aanu saluugnayna waa sideedii oo wax isbadalay ma jiraan.

Markaa waxa aan kula talinayaa bahda saxaafadda guud ahaanteed in ay ka waantoobaan wararkaas aan salk iyo raadka toona lahayn ee ay qaar ka mid ahi faafinayaan illahayna ka baqaan”.

Allaa mahadleh,

Waad mahadsantihiin.

Maxamed Biixi Yoonis

Comments

comments