Somaliland: Ururada Somaliland Society Ee Yurub iyo Somaliland Diaspora Organization Ee Denmark.

Iid Cali Salaan oo kamid ah ururka Somaliland Society in Europe (SSE) iyo ururka Somaliland Diaspora organazation ee Denmark ayaa shir muhiima la qaatay Danish Refugee Council.

Ururka Somaliland Diaspora organization ee Denmark ayaa ku soo dhaweeyey Denmark Iid Cali Salaan oo kamid ah uruka dalada guud ee jaaliyada yurub SSE isla markaana ah gudoomiyihii hore SSE kuna nool wadanka UK gaar ahaan magaalada Cardiff, IId Cali wuxuu hada ka yimi Sweden halkaas uu kaga qayb galay shirkii dalada guud ee jaaliyada yurub SSE ee 8-9 April 2016 kana jeedeyey darasasad sidii Somaliand ku gaadhilaheyd Ictiraaf (Good Governance and Economic Viability are the Key Pillars for Somaliland Recognition).

Shirkan sedex geesodka ahaa ee ka dhacay shalley Copenhagen Eid waxu si qoto dheer uga warbixiyeey hawlaha dalada Somaliland Society in Europe (SSE) iyo shirkii ugu danbeeyey ee ay dalada ku qabatay Sweden 8-9 April. Sidoo kale Cabdullahi Axmed xeef oo kamid ah gudiga fulinta ee Somaliland Society in Europe (SSE) iyo gudiga Somaliland diaspora Org. Denmark, Jamal Odawaa Laare iyo Iid cali Salaan usoo bandhigeen DRC xidhiidhka ka dhaxeeya dalada SSE iyo Danish Refugee Council (DRC) oo ah mid soo jireen ah waxaana halkaa lagu soo bandhigay abaalmarintii qiimeynta 2008 haydaha samafalka Somaliland ka hawlgalay oo ku saabsanayd waxqabadkii 10 sano (1999 ilaa 2008) ee la soo dhaafay isla markaana 3.7.2008 shahaado sharaf la gudoonsiiyeyey Danish Refugee Council.

sse1

Taasoo noqotay xusuus farax gelisay hay’ada DRC Waxaana loo cadeeyey hayda DRC inay jirto qiimayn labaad hada socota kuna saabsan haydaha samafalka Somaliland ka hawlgalay isla iyo markaana shahaadosharaf la siin doono hay’adii ugu waxqabadka badnayd 10 sano ee la soo dhaafay, waxaa kale si faahfaahsan loogu qeexay kal duwanaanshaha Somaliland iyo Somaliya, wuxuuna Iid Cali Salaan si mug leh

ugu sheegey DRC heerka wada shaqayneed ee ka dhaxaysa bulshada Somaliland ee ku nool Cardiff iyo guud ahaanba UK waxaanu si fiican ugu faahfaahiyey in bulshada reer Somaliland (Somaliland community Cardiff) ay ku nooshahay wadanka UK. Mudo ka badan 100 sano isla iyo markaana bulshada reer Somaliland ka mid tahay umadihii ugu soo horeeyey wadanka Ingriiska halkaana ay reer Somaliland ku leeyihiin taageerayaal badan oo markastaba la garabtaagan taageero samafal biniaadannimo , dhaqaale iyo mid siyaasadeedba , waxa kale oo Iid Cali Salaan halkaa ka sheegey inuu ka shaqeeyo urur caawiya dadka qaba xanuunka dhimirka (Somaliland Mental Health ) una dhisayaan xarun cusub oo hargeysa ku tala 14/4/2016 wasiirka caafimadku Dr Xaglatoosiye dhagaxdhigay dhismaha cusub oo qimihiisu yahay 80,000 dollar oo loo dhisayo dadka qaba xanuunka qaba dhimirka.

Waxa kale Cabdillahi Axmed Xeef iyo Jamal Odowa Laari oo ka tirsan Ururka Somaliland Diaspora organization ee Denmark iyo Danish Refugee Council ( DRC ) halkaa isku waydaarsadeen warbixino ka kala duwan waxayana ka wadahadleen siday u wadashaqayn lahaayeen mustaqbalka.

Si kastaba ha ahaatee kulanka isaga ahi waxa uu ahaa mid waxtar iyo faa’iido u leh bulshada iyo qaranimada somaliland

Comments

comments