Somaliland: Wasaarada Hawlaha Guud oo Heegan Galisay Haayadaha Wadooyinka Somaliland

324

Wasaarada hawlaha guud  iyo Guryeynta Somaliland ayaa heegan galisay haayada wadooyinka Somaliland kadib markii roobabka Gu’gu ay dhibaatooyin u gaysteen Wadooyinka.

Wadooyinka qaar ayaa waxaa jaray daadadka  kasoo rogmada biyaha roobka gu’ga oo maalmihii dambe aad uga da’ayay Somaliland waxaana uu waxyeelo soo gaadhsiiyay wadooyinka isku xidha Gabiley iyo Wajaale, Beebkii biyaha gayn jiray degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamed Mooge oo uu Gooyay, wadada Hargaysa iyo Berbera, laba Biriij oo ku yaala inta u dhaxay Berbera iyo Burco iyo goobo kale.

“Hayadda Wadooyinka iyo Wasaaraduba maalmihii u danbeeyay waxa ay ku jiraan Xaalad heegan ah oo ku saabsan xaga wadooyinka dalka, waayo hadii uu dalka burburo wadooyinka isku xidhaya Gobolada iyo Magaalooyinku dhaqaalihiisuna waa uu burburayaa”ayuu yidhi wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta oo maanta kormeer ku tagay Biriijka labaad ee magaalada Hargeysa.

Wasiirku waxaa uu intaasi ku daray oo uu yidhi”Hawlaha hadda gacanta lagu hayo wax ka mid ah Wajaale wadadeeda iyo Biriishka xadka mara oo isaguna roobabkii da’ay ay khasaare soo gaadhsiiyeen”

Wasiirku waxaa kale oo uu ka hadlay Beebkii biyaha gayn jiray degmooyinka Axme Dhagax iyo Maxamed Mooge waxaanu yidhi “Dawladda Hoose ee Hargaysa waanu is kaashanaynaa iyaduna waata halkaas ku jirta oo hawsha wada wixii daruuri ah ee loo baahdana waanu samaynaynaa anaga iyo hay’aduba, markaas dhibaatada madasha ka jirta waxa weeyaan dhuuntii waraabin jirtay xaafada koonfurta hargaysa oo gabi ahaanba duntay taasna hay’addaha ku shaqada leh iyo xukuumaduba way ka hawl gali doonaan”.

Comments

comments