Italy: Ciidamadda Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga Oo Bad Baadiyay Dad Gaadhaya Illaa 4,000, Oo Muhaajiriin Ah.

183

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa bad baadiyay dad gaadhaya  illaa 4,000 oo muhaajiriin, iyadoo tiradani ay ka dhigeyso kuwii ugu faraha badnaa ee la soo bad baadiyo muddooyinkan.

Saraakiisha Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in Talaadadii shalay iyo Isniintii ay Badda Mediterranean-ka ka soo bad baadiyeen dhowr doonyo ay saarnaayeen illaa 4-kun tahriibayaal ah Afrikan ah. Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa ka digay tirada badan ee muhaajiriinta ku qul qulaya Talyaaniya iyo Jaziirada Malta.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii laga baxay bad-xirankii xilliga qaboobaha oo ay yaraadeen doomaha ay muhaajiriinta ka soo raacaan Xeebaha Libiya. Qul qulka Muhaajiriinta ayaa sii kordhiyay, iyadoo Midowga Yurub uu soo saaray tallaabooyin uu kaga hortagayo muhaajiriinta.

Ciidamada Booliska Macedonia ayaa ayaa gaaska indhaha ka ilmeysiiya kala hortagay muhaajiriin dibad bax ka dhigay xuduuda Greece. Illaa 11 kun oo qaxooti ah ayaa xeryo looga sameeyay Idomeni oo xigta dhinaca sohdinta Greece, iyadoo dalkan uu marin u noqday qaxootiga fara badan ee galaya dalalka Balkans, waxaana la xiray xuduudaha inta badan dalalkaas.

Comments

comments