Somaliland: Midowga Baarlamaannada Carabta Oo Taageeray Go’aamadii Shirkii Wada-Hadallada Somaliland Iyo Somaliya Ee London Kana Hadlay Xaaladda Abaaraha

Shir-madaxeedka baarlamannada Carabta oo salaasadii shalay 12kiiAbriil lagu soo gabagabeeyey magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa go’aamadii laga soo saaray oo loo bixiyey, “Baaqa Qaahira” waxaa ka mid ahaa in ay soo dhoweynayaan isla markaana taageerayaan go’aamadii ka soo baxay wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ay sannadkii 2012ka ku yeesheen magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Shirkii 23aad ee Midowga Baarlamaannada Carabta oo laba maalmood socday ayaa Axaddii 10ka Abriil ka furmay xarunta jaamacadda Carabta ee Qaahira, qodobbada ka soo baxay oo taabanayey dhammaan dalalka ku abtirsada Jaamacadda Carabtana waxaa lagu soo qaaday wada hadalladaas iyo sidoo kale in dalalka Carabtu ay gacan caawimo ka geystaan abaaraha ba’an ee dad iyo duunyaba ku dhibaateeyey guud ahaan dhulka Soomaalida. Qodobka arrimahan ka hadlayeyna waxaa lagu yidhi, “Shirku waxa uu soo dhoweynayaa go’aamadii ka soo baxay shirkii London ee wada-xaajoodka dhinacyada kala duwan ee Soomaalida. Go’aamada ka soo baxayna waxa uu u arkaa in ay ahaayeen tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xal u raadinta dhibaatada Soomaaliya” Dhinaca bani’aadamnimadana waxa uu Baaqa Qaahira yidhi, “Shirku waxa uu dalalka Carabta ka dalbanayaa in gargaar bani’aadamnimo oo agab iyo caafimaad ba leh, sida ugu dhaqsaha badan loola gaadho dadka Soomaaiyeed si looga caawiyo gaajada sii kordhaysa ee ka dhalatay abaaraha is-daba-joogga ah” Iyada oo uu dhinaca kalana shirku haayadaha Carabta, kuwa heer gobol iyo kuwa Caalamiga ahba ugu baaqay in ay dadkan gaadhsiiyaan caawimo cunto iyo dawo isugu jirta.

Marka laga tago xal u helidda dhibaatooyinka tirada badan ee ka jira dalalka ku abtirsada Jaamacadda Carabta, waxa kale oo shirweynahan Madaxda baarlamaannada Carabta lagu qaatay go’aan ah in la mideeyo shuruucda iyo xeerarka dalalkan ee ku aaddan waxa argagaxisada loo yaqaanno, si ay wada jir ugu waajahaan dalalkani, isla markaana ay isaga kaashadaan in la joojiyo sababaha keena iyo waxa ay ugu yeedheen fikirka Gaalaystiinta ee xagjirka ah, iyo in dalalkani ay wada jir uga hortagaan in gobolka ay ku ballaadhaan ururrada argagaxisadu.

Baaqa shir-madaxeedka ururka Midowga Baarlamaannada Carabtu waxa uu hoosta ka xariiqay xaqa ay ummad kastaa u leedahay wax-iska-caabbinta iyo in ay dhulkeeda ka xoraysato cid kasta oo xoog ku haysta, si ay u soo ceshato xaqeeda sharciga ah, taas oo waafaqsan xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.

Baaqa Qaahira waxa kale oo uu ka hadlay muranka biyaha ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, iyaga oo ku adkaystay in ay garab taagan yihiin mawqifka uu dalka Masar ka qaato biyo xidheenka Horu-kaca (Hidaasi) ee ay Itoobiya kaga faa’idaysanayso biyaha Nilka Buluugga ah. Waxa aanu sheegay in uu taageerayo wada hadallada ay labadan dal ka leeyihiin Biyo-xidheenka Hidaase.

Bishii Feebarweri ee sannadkii 2012ka waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ka dhacay shir ay Somaliland iyo Soomaaliya kaga wada xaajoonayeen nooca uu noqon karo xidhiidhkooda mustaqbal, oo uu martigelintiisa iyo qaban-qaabadiisaba lahaa raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron. Shirkan oo ay goob-joog ka ahaayeen diblumaasiyiin ka socda dalalka Midowga Yurub, Norway iyo Ingiriiska, waxaa ka soo baxay go’aamo labada dhinacba raalli geliyey in kasta oo shirkii kaas daba socday ee Juun oo isla London ka dhacay aad loogu kala aragti duwanaa, intaas wixii ka dambeeyeyna shirarka Somaliland iyo Soomaaliya loo soo raray dalka Turkiga, iyada oo illaa hadda oo shirkaa koowaad laga joogo Afar sano aanay weli wada hadalladaasi midho dhal noqon, inta badanna isfahmi waa iyo kalsooni darro labada dhinac soo dhex gasha ay hakad ugu jireen.

Lama garanayo sababta hadda Midowga Baarlamaannada Carabta xasuusisay shirkaas muddada dheer ka soo wareegtay, waxa se la og yahay in intii ka dambaysay kacdoonnadii gu’ga Carabta iyo dagaallada Suuriya iyo Yemen ay dalalka Carabta oo dhinaca Gacanka u badan iyo Turkigu ay si aad ah u danaynayaan guud ahaan arrimaha Soomaalida, marar badanna waftiyo heerkoodu sarreeyo oo kala duwan ay u soo direen Somaliland oo aanay iyada sida Soomaaliya ku lahayn diblumaasiyad rasmi ah. Waxa se’ la og yahay in qodobbadii ugu muhiimsanaa marka dhinaca Somaliland la eego ee shirkaas London ka soo baxay ay ka mid ahayd; In beesha caalamku ay wada jir u taageerayso wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland, si ay isula meel dhigaan mustaqbalkooda, oo cidda go’aan ka gaadhi kartaa ay yihiin iyaga oo keliya.

Comments

comments