Somaliland: Hay’adda Nabad-sugida Somaliland oo laga dhigay Ciidan Qaran

Hay’adda Nabad-sugida Somaliland oo ay Baarlamaanku ku ansixiyeen Xeer ka dhigaya shicib ama Hay’ad aan ciidan ahayn ayaa loo aqoonsaday inay noqoto hay’ad ciidan.

Sida ay sheegeen xogo laga helay hay’adaasi iyo xukuumadda Somaliland waxa xeerkii Baarlamaanka buriyey go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dastuuriga ah taasoo nasakhday qodobkii hay’adda ka dhigayey ciidanka Nabad-sugida Somaliland.

Ilo wareedku waxa uu intaa ku darayaa go’aanka Maxkamadda sare in uu Madaxweynuhu u gudbiyey guddida qiimaynta darajada Ciidamadda, taasoo ku hawlan sidii dhawaan loogu tixi lahaa darajooyinka kala duwan ee Ciidankaasi.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa ka dhashay cabasho ay hay’addu u gudbisay Maxkamadda, taasoo maxkamaddu markii ay daristay ay ku laashay qoddobkii ka xakamaynayey Ciidan-nimada.

Taliyaha guud ee Ciidanka Nabad-sugida Somaliland ayaa loo qadimay darajadiisii janan-nimo, kadib isla arkii go’aankaasi soo baxay, waxaanay saraakiisha ka hoosaysaa sugaysaa in iyana lagu taxo.

Comments

comments

SHARE