Djibouti: Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Afaraad Loo Doortay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Iyo Xisbiyada Mucaaradka Oo Qaadacay Natiijada Doorashada

214

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar afaraad loo doortey inuu noqdo madaxweynah dalka Jabuuti,Dowladda Jabuuti ayaa waxa ay sheegaysaa in markii afraad dib loo soo doortay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ka sheegay taleefishinka qaranka in natiijooyinka rasmiga ah ay tilmaamayaan in Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afaraadku guleeystey madaxtinimada dalkaasi.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Djibouti, ayaa lagu sheegey In Mr. Geelle uu helay 68.68 boqolkiiba codadkii ay dadku dhiibteen, isagoo ku guuleystay wareeggii hore ee doorashada.

Murashaxa ku soo dhow Cumar Cilmi Kheyre ee ka tirsan dallada mucaaradka ee USN ayaa helay 7.32 boqolkiiba.

Murashixiinta kale ayaa iyana kala helay: Maxamed Dauud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%, Xasan Idiris Axmed 1.39%, Jaamac Cabdiraxman Jaamac 0.79%.

Saddexda xisbi mucaarad ayaa qaadacey natiijada doorshada.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa waxa ay ku eedeeyeen Ismaaciil Cumar Geelle in uu xadidayo xoriyadaha asaasiga ah.

Geesta kale waxaa laga cabsi qabaa inay dalkaasi ka bilaabmaan qul-qulatooyin siyaasadeed.walow ay kooxaha mucaaradka ah ay qaadacaeen doorashada dalkaasi.

Comments

comments