Somaliland: “Abti Muusoow Saldannada [Subeer Awal] Wixii Gef Ay Kuu Geysato Waa Lagaa Qabanayaa, Laakiin Nagama Kaa Qabato Inaad Tidhaahdo….”

81

“Diiwaangelinta In Dib Loo Dhigo Waxay Dadku Tuhunsan Yihiin In Ay Khiyaamo Qarank Ku jirto Oo Waa Dhuxul Dambas Huwane  Ha Ku Gubanina”

“Annaga Iyo Saldannada Subeer Awal Waxaa La Isku Kaaya Yidhaahdaa Ba-dahabo Oo Waa  Qolo Aan La Taataaban Karin’e  Qoladaas Ilaasho Iskana Ilaali”

“Abti Muusoow Wixii Ololehaaga Ka Xunna Annaga Na Far, Dadka annagaa Soo Kaxaynaynee,  Laakiin Ma Mas Baa Ku Koraya Haddaad Igu Tidhaahdo Suldaan Maxamedoow….”

“Anigu Waxaan Ka Odhan Lahaa Xisbigaasi UCID Inuu Burburo Ma Jecli,  Haddii Uu Maanta Dacwado Geysto Maxkamadana Waxay  Noqonaysa Arrin Fool-Xun, Laakiin  Wuxuun Baan Odhan Lahaa …”

Ka Bogo Nuxurka Waraysi Dheer Oo Suldaan Maxamed Kaga Hadlay Amuurahan Saddexan ee UCID, Subeer Awal Iyo Diiwanagelinta

Suldaanka guud ee Beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir  Suldaan Cabdillaahi ayaa   habeenkii xalay  waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo wax lagaga weydiiyey xaalladda guud ee dalku ku jiro, gaar ahaanna arrimo ay ka mid yihiin dib u dhigista diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, khilaafka siyaasadeed ee ka dhex qarxay mar kale xisbiga UCID iyo  xiisad dhaqan oo    toddobaadyadii u dembeeyeyba ka dhex oognayd saldannada Beesha Subeer AWal. Waxaa uu suldaanka guud ee beellaha Somaliland amuurahaas iyo kuwo kale oo xiiso lehba kaga warramay waraysi uu magaallada Hargeysa ku siiyey Weriye Mustafe Maxamed Cabdi (Jannaale) oo ah tifaftiraha degelka wararka ee Hayaannews.com. ugu horeynse waxaa uu suldaanku ka hadlay abaaraha baahsan ee kulaxaadsaday bulshada Somaliland iyo sababaha keenay, waxaanu yidhi “Waad aragtaan waxa ina haysa abaar baahsan oo abaartuna iskama timaado dadka ayaa kasbada, Dawladani waa dawlad muslima dadku marka ay Zekeda ceshedaan ama sidii diintu tidhi ay ka baydhaan, Cirku roobkiisa ayuu ceshadaa, dhulkuna baadkiisa ayuu  ceshadaa, taa waxa u daliila ta maanta ina haysata.Dawladu umay qorsheynin meel Zakada lagu uruuriyo oo ah Xafiis ay Culimo masuul looga dhigo. Roob-doontan la akhriyayo marka aad iska bixiso wixii Waajiba, ayaa roobku da’ayaa  dhulkuna baadkiisa ayuu soo saarayaa. Dadyahoow Zakada iska bixiya sidaad u bixinaysaana ha noqoto Sideedii Saam ee kitaabku sheegay waa in lagu bixiyaa.

Roob-doon ayaynu ku xiiqnay oo Soomaali oodhan ay isku tagtay wataas oo Daruurtii way sii kala yaacaysa.Abaartan waxa keenay dadku waxay noqdeen Zakaatul-Maanac ama si qaraabo ah ayaa Zakadii la isku siinayaa oo hebel hebel ayuu siinayaa”.

Sidoo Kale, Mar la weydiiyay Suldaan Maxamed sida uu u arko dib-u-dhigista diiwaangelinta cod-bixiyayaasha? waxa uu yidhi “Xisbiyada Mucaaridka iyo ka muxaafidka ee isla qaatay dib-u-dhigista diiwaangelinta cod-bixiyaasha wali-goodba waxba islamay qaadanin, laba Xisbi oo mucaarida ayay ogayn ma Xisbigii KULMIYE ayaa isna mucaarid noqday, Diiwaangelinta in dib loo dhigo dadku waxay tuhunsan yihiin inay khiyaamo ku jirto oo dib-u-dhigista diiwaangelinta codbixiyayaashu waa ‘Dhuxul danbas huwan’ ee ha ku gubanina, horeba waynu u ogayn inay abaar iyo xili adag lagu jiree. Diiwaangelinta dadku aad ayay u-jeclaayeen laakin hakadkan ku yimi Gobolada muxuu noqonayaa,? Oo goboladiiba qaarbaan diiwaangelin-ba laga sameynin, Hargeysa oo kale diiwaangelin-ba kamay dhicin gobolka HAWD diiwaangelintii ka dhacday waynu ogayn, laakin isaga oo Gobolada waxa raaciyay Saaxil iyo Gabiley waa mid sub-xaanalaah ee Gobolkaasi deegaanadiisi u raaci-waayay,….laakin ta layaabka leh ee meesha ku jirtaa waxa weeyee inta Gobolkii laga kaxeeyo degmooyinkiisi degmo kale lagu xeero, haddii aanu Bali-gubadle xukumayn Saaxil Iyo Gabiley anigu waxaan taas u arkaa in laga soo saari karo tirada dadka siday u kala badan yihiin bal diiwaangelintaasna ha laga fiirsado, Gobolkii HAWD ee ay magaalo madaxdiisu ahayd Bali-gubadle in la is raaciyo Gabiley iyo Saaxil maxaa ku jira arrintaasi waxa nooga jawaabi doona Komiishanka? Ilaa maanta waanu yaabanahay oo waxaanu ka yaabanahay waxa sidaas loo yidhi khiyaamada ku jirta waanu ogaan karnaa dadka is-diiwaangelinayey waxa wax lagu siinayaa waxa weeyaan faro iyo tira-koobkoodu inta uu leekaado…..beelaha halkaas degena waxaan leeyahay aad ugu fiirsada habka diiwaangelinta loo wado maaha diiwaangelinta cod-bixinta ee waa saamiyada hadhoow wax lagu qeybsan doono mustaqbalka. Mar iyana la weydiiyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir sida uu u arko dagaalkii ku duulay saldannada subeer awal waxa uu ku jawaabay “Muusoow [Guddoomiyaha KULMIYE] Bahashan Saldannada ah ummad ayaa sameysatay oo riciyaddii sameysatayna ka mid ayaad tahay xaqna waad u leedahay inaad ka soo dacwooto oo wixii kugu gardaro ah waa inaad odayaasha u keentaa, laakiin waxay ka noqotay Kornayl bedelay Suldaankiisi waa Korneyl Madaxweynihii oo kale bedelay ama Janankii ka sareeyey ee qeybta haystay, qoladayadan waxa la isku kayo yidhaahda ‘Badahabo Garaad Boon’ waa Saldanado aan la taataaban Karin oo aan lagu ciyaari Karin, wixii gefa ee ay ku geystaan waa laga qabanayaa, laakin ma sameyn kartid inaad Caleemo saarto Suldaan kale… Malaha ‘Saldanada Reer Garaad Boon’ ayaa ka khaldane  Saldanadaasi (Saldanada Subeer-awal) waa saldanad soo jireen ahayd rag lahaa ayaa la weydaariyay oo Guryo qaatay. Raggii guryaha qaatay haddii aad maanta soo Caleemo saarto dhibteeda ayay leedahay wax la aqbali karana maaha. Waxaan ku leeyahay ha ku dhex kufin nimankayagaa ba Dahabo haddaanu xanaaqno cid naqabanaysa Wallaahi  inaanay jirin. Wixii dhinaca ololahaaga ka xunna annaga na far annaga ayaa soo jiidiye oo dadka soo kaxayne, Ma mas ayaa ku korayaa hadaad igu tidhaahdo Suldaan Maxamadoow qoladii ba Dahabo  waa sidaase intaad kolba leedahay Suldaankaas ayaan sameeyey oo kan waan riday, Abti taasi nagama kaa qabatee, Qoladaa Badaho ilaasho iskana ilaali”. Waxa kale oo la weydiiyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir khilaafkii u dhaxeeyey Jamaal Cali Xuseen Iyo Faysal Cali Waraabe inay Maxkamadii Xaliso? “Anigu waxaan ka odhan lahaa Xisbigaasi UCID inuu burburo ma jecli, inay balanqaadyadiisina ay fulaan waa ta ugu wanaagsan, waayo waxa uu ahaa Xisbi qaran, Xisbiga Qarana haddii uu maanta dacwado geysto Maxkamada waxay arrintii noqonaysa arrin fool-xun, wuxuun-baan odhan lahaa arrintaas intaan Maxkamad la geynin waa inay heshiis dhaba ay galaan, haddii ay Jamaal iyo Faysal maxkamad ku kala calaf qaadayaan Insha Alaahu tacaala waxa iman doonta tii rasmiga ahayd”.

Comments

comments