Somaliland: Wasiirka Xaglo-toosiye oo La Kulmay Wasiirka Caafimaadka Dalka Masar Mr.Axmed Cimaad Aldiin.

100

Wasiirka cafimaadka dalka masar ayaa xarunta wasarada caafimadka Ku qaabilay ayaa soo dhaweyay wafdiga Somaliland isago carabka Ku dhuftay in labada dal ay wadaagaan xidhiidh qotada dheer oo taariikhi ah Waxa ku wehelinayey Sarkaal Wasarada arrimaha Dibedda Somaliland qaabilsan Wadamada carabta.

Mudada uu Kulanku socoday waxaa sii xoog ah laska waramay xiidhiidhaka soo jireen ah ee ka dhexeeya dalalka ee Jamhuuyiyada Somaliland iyo Dalk Masar waxaa ka qayb galay dhamaan maddexa ugu sareysa iyo waxyaha kala duwan ee wasaarada caafimadka masar halkaasi oo lagaga hadlay qodobo mihiim ah oo faaa’iido u leh wasaarada caafimadka Somaliland oo ay ka mid yihiin:

1-Schooler ship oo ardayda ka qalin jabisay jamacadaha dalka gaar ahaan qaybaha Cafimaadka oo gaaraa la shaqeeya in any masar ka helaan oo post graguate ah,

2-dhinaca tababarada oo any dalka yimaadan shaqaalaha caafimadku Inay dhakhaatir takhasus leh too masari ah dalka ay ka hawl galaan Iyo iyo daawooyinka Oo ay dhamaantood ay masaaridu aqbaleen labad Wasiirka ayaa kala sexeexday qodob sii xoojinaya xiidhiidhka labad dalka dhinac iskaashiga deeqaha waxbarashada caafimaadka MOU gana la diyaariyay oo ay saxeexi doonaan labad Wasiir Kulamada wasiirka Caafimaadka Somaliland oo wali ay socdaan waxaa maanta u la kulmayaa jaamicada carabta.

Geesta kala waxa munaasibada qaado sharaf loo sameyey waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Cafimaadka Dalka Somaliland Dr.Salebaan Ciiska Xaglo tosiy intii ay socotay qadadu waxa aad looga sheekeystay xaalada ay hada ku sugan tahay Somaliland ee abaaraha oo maraya halkii u sarayey iyo sidii ay uga qayb qaadan lahayda dawlada masara dhinaca takulada cafimaadka raashinka iyo wada shaqeynta dalka masar.

Comments

comments