Somaliland: Mudanayaasha Guurtida Oo Dalbadey In Golaha Loogu Yeedho Masuuliyiinta Xukuumadda Qaarkood.

97

Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Maanta Meel-mariyey Ajandaha Kal-fadhigoodii 59-aad ee Golahaasi ku shaqeynayo inta Kalfadhigani socdo.

Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan isla-markaana ay ka soo xaadireen 57 Mudane oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee Golahaasi ka kooban yahay, ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyey Ajandaha kal-fadhiga 59-aad.

Ajandaha Kal-fadhiga 59-aad waxa Ogolaaday in la ansixiyo 55 Mudane, halka uu ka aamusay Hal Mudane, Mudane Diiday ma jirin, Guddoomiyuhuna ma codeynin, waxaana sidaa ku ansaxay Ajandaha Kalfadhigooda.

Dhinaca kale, Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland qaarkood oo Ansixinta Ajandahaasi ka dib halkaasi ka hadlay, ayaa soo jeediyay in  Golaha loogu yeedho Masuuliyiinta ay ka mid yihiin Taliyaha Booliiska Somaliland Cabdilaahi Fadal Imaan, Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe. Masuuliyiintan ayay Mudanayaashu doonayaan in wax laga waydiiyo Shaqada ay Qaranka u hayaan.

Comments

comments