Somaliland: Muj. Cali Gurey oo Xurgufta Siyaasadeed Ee Xisbiga UCID Ku Sifeeyey Dagaalka Loo Yaqaanno Proxy Wars

98

UCID Isma Hayo Lakiin Dhinaca Ayaa Jirta U Dagaalamaysa Cid Kale Oo Aan UCID Ahayn, Waxaanan U Arkaa “Proxy War””

Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf [Cali-Gurey] ayaa dagaal dano kale laga leeyahay ku tilmaamay in uu hurinayo khilaafka UCID. Cali Gurey oo qormooyin taxane ah oo uu ku eegayo xaallada xisbiga UCID ee shalay, maanta iyomustaqbalka sheegay in uu kaga warramayo sooyaalkiisa waxaa uu khilaafka xisbigiisa ku tilmaamay waxa afka qalaad loo yaqaan Proxy War, oo macnaheedu yahay sida uu sheegay dagaal dhinacyada uu ka dheexeeyo maaha e cid kale dabada ka riixayso. Qaybta koowaad ee qormooyinka taxanaha ah ee Cali Gurey kaga hadlayo arrintana waxaa uu xalay ku baahiyey barta uu ku leeyahay degelka xidhiidhka Bulshada ee Facebook-ga waxaana uu ku bilaabay “Dagaalada maanta dunida ka socdaa waxay u badan yihiin kuwa la yidhaa”proxy Wars” ama afka carabiga ” xuruub bi wakaalah”. Waxa looga jeedaa dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo ee kala adkaanayaa maaha kuwa is dilaya ee iyagu isku dhimanaya dadkooduna dhimanyo.

Dagaalada maanta ka socda dalalka Carabta gaar ahaan Yaman, suuriya, iyo Ciraaq ayaa tusaale fiican u ah kuwa ay dad badani u arkaan inay yihiin “Proxy war” ay dhinacyada dagaalamaya ama qaarkood u dagaalamayaan dano cid ama cido kale oo shidheeye ah

Dagaalka siyaasadeed ee UCID ka dhex qarxay waxan u arkaa “proxy war” waayo UCID isma hayo ujeedo keliya uu ku midaysan yahayna wuu leeyahay oo ah in uu noqdo XISBIGA KA TALIYA SOMALLAND lakiin cid ama dhinaca ayaa jira u dagaalamaya cid kale oo aan UCID ahayn laakiin bi wakaala ugu dagaalamaya xisbiga UCID dhexdiisa. Cidaa ama dhinacaa ayaa loo arki karaa cid ka tanaasushay hankii xisbiga UCID ee ahaa inu noqdo xisbi xaakimka Somaliland

Waxa cadayn u ah UCID hore ayuu u heshiiyay heshiiskiisiina wuu ku guulaystay ee kumuu khasaarin. Marka aad ka tagto qodobada heshiiskii mideeyay UCID ujeedooyin kiisa ugu muhiimsanaa waxay ahaayeen laba:

Kow waxa aynu wada ogayn xaaladii Xisbiga UCID ka dib khilaafkii guihiisa ee gaadhay inu maxkamad isla galo. Markii go’aankii Maxkamadda Dastuuriga ahi soo baxay waakii marka laga reebo Faysal iyo shakhsiyaad ku soo hadhay mooyaane xubnihii ugu firfircoonaa ee ugu tirada badnayd ee xisbiga oy ku jiraan xubnihii Gudidiisa Fulinta, Golihiisii Dhexe, xibihii Gudiyadiisa heer degmo iyo gobol iyo waliba xubnihii gudiyada laamaha dibadduba ay mar keliya ka dhaqaaqeen UCID iyada oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada oo ay wehelinayeen dhamaan xubnihii ka soo baxay UCID marka laga reebo hal xildhibaan oo keliya, taas oo ahayd taladii ugu wanaagsanayd iyo go’aankii ugu haboonaa ey qaateen inta tobanka sanadood garabka u ahayd Gudoomiye Faysal ee labada goor la doonay xilka Madaxwaynaha hase ahaato shacbiga Somaliland ay marna Daahir Rayaale ka doorteen markii labaadna ay Axmed Silaanyo ka doorteen isaga oo taageerada uu shacbiga ka helay ay marna 15% ahayd marna 17% ahayd.

Runtii xaaladda Faysal Cali Waraabe iyo xisbigiisa UCID ay ku sugnaayeen waxay ahayd mid la odhan karayay CIDLA CIIRSILA waxana muuqatay hadii aanu gormad degdega helin uu ka baxayay gebi ahaanba saaxadda siyaasadda iyada oo siyaasadda xukuumaddu ahayd in UDUB iyo UCIDba si toos ah loo dilo oo labadooduba ay ka baxaan saaxadda siyaasadda halkiodana ay soo galaan laba ka mid ahaa ururadii cusbaa oo shakhsiyaadkii ugu awooda badnaa xukuumaddu ay ka dambeyeen.

Sidaa daraadeed ayaa ujeedada ugu muhiimsanayd heshiiskii taariikhiga ahaa ee badbaadinta UCID ay ahayd In La Badbaadiyo Jiritaanka Xisbinimo Ee UCID Kana Mid Noqdo Sedexda Xisbi Ee Ku Soo Hadhaya Saaxadda Siyaasadda Ee Noqonaya Jilayaasha Masraxa Siyaasadda Somaliland Tobanka Sanadood Ee Soo Socda.

Comments

comments