Somaliland: Masuuliyiinta Kulmiye Oo Ku Jahawareersan Hanaankii Sharci Ee Ay Bannaanka U Dhigi Lahaayeen Cududda Garabka Isbahaysiga, War-saxaafadeedyo Is-barbar Socdana Ku Dawakhay

86

Masuuliyiinta Kulmiye Oo Si Habqan Ah War-Saxaafadeedyo Kala Duwan Oo Aan Wada Socon Ugu Jawaabay Is-Bahaysiga Kulmiye

Masuuliyiinta Hadda ka arimiya Xisiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ee Furaha Xisbiga loo dhiibay ayaa garan la’ islamarkaana ku jahawareersan hanaankii sharcinimo ee ay u waajihi lahaayeen Isbahaysiga Kulmiye oo ay ku jiraan qaarka tirsan hogaanka Xisbiga kulmiye,kuwaasi oo ay maalmihii u dambaysay warbaahinta isku marinayeen hadalo weerar iyo weerar Celis ah,oo uu mid waliba dhinaciisa u adeegsanayo sharci uu ka kale ku daadafinayo,kuna difaacayo kooxdiisa.
Waxaa dhawaan xafiiska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ka soo baxay qoraal xisbiga lagaga saaray qaar ka mid ah Masuuliyiinta ugu tunka Weyn Isbahaysiga Kulmiye,waxaana islamarkiiba arintaasi ka jawaabay Qaarka tirsan hogaanka Xisbiga Kulmiye oo ku jira Isbahaysiga Kulmiye, oo islamarkiiba arintaasi ka jawaabay kuna tilmaamay mid aan sharciga Xisbiga uyaal Waafaqsanayn,iyagoo sheegay in Xubinimada Xisbiga,Xubinimada Golaha Dhexe iyo Xubinimada Gudida Fulinta ka saaristeedu leedahay jid sharci oo loo maro,balse warqad warbaahinta la isku mariyaa aanay sharciga Xisbiga uyaal waafaqsanayn,waxaanay arintaasi muujisay sida uu Xisigii Kulmiye ukala fadhiyo laba kooxood oo is afgaran la’ oo isku awood iyo cudud ah.
Masuuliyiinta Furaha Xisbiga Gacanta ku haya ee ku shaqeeya Xarunta Xisbiga ee lagu wareejiyay ayaan wali haysan hanaan sharci oo ay ku waajahaan Isbahasiga Kulmiye waxaanay si bilaa Barotakool ah warbaahinta umarinayaan weedho aan sharci ku dhisnayn,tusaale ahaan waxaa dhawaan warbaahinta ka hadlay oo u jawaabay isbahaysiga Kulmiye Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye,isagoo xoojiyay go’aankii Xisbiga kulmiye ka soo baxay ee Xisbiga lagaga saaray Qaar ka mid ah Xisbiga Isbahaysiga Kulmiye. sidoo kale waxa isaguna shalay Warbaahinta ka hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid,waxaanu Weerar ku qaaday Isbahaysiga Dimuqraadiyad Doonka Xisbiga Kulmiye isagoo sheegay inaanay jirin wax la yidhaa Isbahaysiga Kulmiye,waxa uu sheegay inay raggaasi mar Xisbiga Kulmiye ka mid ahaan jireen balse aanay imika ka mid ahayn oo ay ku biireen Xisbi kale,waxa kale oo uu sheegay inay raggaasi xor u yihiin inay xisbi kale ku biiraan.
Isku soo wada duub oo, Masuuliyiintan Haddda Midida Kulmiye daabkeeda hayaa waxa ay ka madhan yihiin adeegsiga sharciyadii Xisiga Kulmiye ,walina lagama hayo wax daliil sharci ah oo lagu qanco oo Xisbiga ka saaraya Xubnaha ku bahoobay Isbahaysiga kuliye ee ka duday hanaankii loo qabtay Shirweynihii Xisbiga kulmiye ee sanadkii hore Hargeysa lagu qabtay ee lagu soo doortay Musharaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Xisbiga kulmiye uga qayb galaya tartanka Doorashooyinka madaxtinimada ka dhacaya Somaliland 2017 – ka.
Kooxda isbahaysiga Kulmiye ayaa iyagu dhankooda u arka inaanay Kooxda ka arrimisa Xisbiga kulmiye wax awood ah u lahayn inay bulshada u soo bandhigaan qodobada sharci ee ay Xisbiga kaga saarayaan Xubnaha Isbahaysiga kulmiye oo ay ku jiraan Laba xubnood oo ka tirsan Hogaanka Xisbiga kulmiye kuwaasi oo culays badan ku haya. Tan iyo markii Is-bahaysiga KULMIYE wada hadalka la bilaabay xisbiyada qaranka waxa uu xisbiga KULMIYE siyaabo habaq li’I ah isaga daba soo saarayaa war-saxaafadeedyo ay ugu jawaabaan is-bahaysiga iyada oo lab maalmood gudahood ay garabka hogaanka KULMIYE u kala hadleen Jaamac Shabeel iyo Xasan Siciid Yuusuf.

Comments

comments