Somaliland: War Deg-Deg Ah Is-rasaaseyn Ku Dhexmartey Deegaanka Balli-Dhiig Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Ciidamada Liyuu Booliska Ee Dawlad Deegaankada Itobiya

364

Waxaa maanta goor dhaweyd gelinkii danbe is-rasaaseyn ay dhexmartay ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalkan maanta dhexmaray ciidamada qaranka Somaliland iyo Liyuu booliska ayaa ka dhacay degmada Balli-dhiig.

Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in isku dhacaasi ka yimi kaddib markii niman shacab ah oo dambiilayaal ah oo la doonayey in la qabto ay isku maandhaafeen labada ciidamood.

Isku dhacan maanta gelinkii danbe dhexmaray ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan xadka Itoobiya iyo Liyuu booliska ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay is-rasaaseyntaasi,waxaana ay wararku sheegayaan in dadweynaha deegaanadaasi ay ka cabsi qabaan inuu dagaalku sii xoogeysto.

Geesta kale xaaladda deegaankaasi ayaa hada ah mid  deggan.

Comments

comments