Somaliland: “Nabadgelyadu Ma Qurux Badna Muddooyinkan Haddii Hal-Dhubuqluhu Batana Beello Ayay Tegaysaa oo Wey Ballaadhan Ileyn Waynu Is Naqaanaaye”

131

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan Oo Markii U Horreysay Toos Uga Hadlay Arrimo Waqtigan Ka Jira Dalka

“ Diiwaangelintii Waxaa Ay Noqotay Dayuurradii Xamar Ee Cali Sugulle Sheegi Jirayee Halkan Illaa Afgooye Diririgta Haysay”

++++

“Afka Waxba Ka Dhawri Maayo’e Maanta Dawladdaha Adduunka Ugu Awooda Badan Baa  Innoogu Dhego Adag Khusuusan Maraykanka Iyo Ingiriiska”

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan Ayaa shalay khudbad uu ka jeediyey kal-fadhigii 59aad ee golahaasi oo shalay furmay waxaa uu kaga hadlay arrimo door ah oo khuseeya xaalladda dalku kujiro. Guddoomiyuhu khudbadda uu mudaneyaasha u jeediyey oo afar qoddob ka koobnaa waxaa uu kaga hadlay abaarta dhaharatay ee dadka iyo duunyada tabaalaysay waqtiga, arrimaha diiwaangelinta ee dalka ka socota, guddidii ictiraaf raadinta ee madaxweynuhu magacaabay iyo qoddobka u dembeeya oo nuxurkiisu ahaa sidii ay xubnaha golaha guurtidu door shariif ah uga qaadan lahaayeen  kaalintooda kaga aadan amuurahaasi. Ugu horeyn arrimaha diiwaangelinta iyo abaaraha oo guddoomiyuhu iskulammaaneeyey faahfaahintooda mar uu ka hadlayay waxaa uu yidhi “Diiwaangelintu way iska diiwaangeli doontaa laakiin haddayba dadkeennii abaari ku habsatay maxaynu diiwaangelin ka qaadi. Mida kale Diiwaangelintii waxaa ay noqotay dayuurradii Xamar Ee Alla ha u naxariistee uu Cali Sugulle sheegi jirayee odhan jiray Halkan illaa Afgooye uun bay dirigta haysaa ee meel kale ma tagto. Waar bal haddaba gobolladii barigu maye, waa nimanka u baahan in la diiwaangeliyo oo lagu baraarujiyo oo la yidhaahdo fadhiga aynu ka kacno oo baraarujino waa Bari ee bari in la tago sow maaha oo marka aynu xaalladooda abaareed ugu tagno ay tanina noqonto mudnaanta labaad ee lagu guubaabiyo, markaa labaduba waa inay is barbar ordaan bay noqonaysaa [diiwaangelinta iyo taakulada abaartu].” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan MAxamuud Aadan. Geesta kale mr uu ka hadlayay Qoddobka kale ee arrinta Nabadgelyada waxaa uu soo qaatay shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay gobollada qaarkood ee lagu khaarijiyey qaar kamid ah saraakiisha ciidammada Somaliland, waxaana uu yidhi “ Nabadgelyadu ma qurux badna muddooyinkan waayo saraakiil badan baa lee’atay, wax allaale wax lagu laynayona garan maayo. Waxaan filayaa madaxweynuhu guddi buu u saaray oo u uyidhi bal soo dersa waxan, aynu kala warrano wixii aynu ku kordhin karnana aynu ku kordhino, dad saraakiishiisa ugaadhsadayna waa jab, qofkii caadiga ahaa ee la dilayay baa batay, koox kooxdii baa badatay, haddii aanay joogsan oo gacan adag oo bir ahna lagu qaban dee way ballaadhan,mar haddii hal-dhubuqluhu batana ta weyn bay tagaysaa oo beello ayay tegi ileyn waynu is naqaanaaye. Waxa ay ila tahay markaa in arrintaas xalinteeda gacan bir ah lagu qabto ciddii la timaadana aan loo gelin wax jixin jix ah oo qofkii wax leynaya aan raxmad loo gelin. Markaa arrintaasi waxa ay u muuqataa inaan dawlada uun lagu eegin ee aynu u tagno oo aynu nidhaahno waar maxaa nalooga baahan yahay dhinacayaga oo aanu qabanaa, innaguna aynu fadhiga ka kacno, sidii lagu bixi lahaana annagu [shirguddoonka] aanu dhawr maalmood ku soo qabanqaabino” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan. Gebogabadiina waxaa uu khudbadiisa ku bogaadiyey guddigii uu dhwaaan madaxweynuhu u saaray ictiraaf raadinta, “Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa aynu ku bogaadino guddida ictiraaf raadinta ee ballaadhan ee la sameeyey, waa mid waqtigiisii jooga. Waxana leeyahay guurtida doorka ay ku leedahay waa inaynu ka qaadanaa. Mida kale dawladaha adduunka ugu waawayn baa maanta innoogu dhego adag dhinaca aqoonsiga. Afka waxba ka dhawri maayo ee dawladdaha adduunka ugu awooda badan baa innoogu dhego adag khusuusan Maraykanka iyo Ingiriiska, way innnagu dhego adag yihiin ee bal aynu guddidaas la shaqayno, colaadahana Illaahay ha innaga qaboojo eeriyadeena [dalalka deriskeena] colaado badan baa ka dhexeeeyee illaahay ha innaga qaboojo, iyagana ha kala qaboojiyo” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland.

Comments

comments